Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa caawa afurkii kaddib saxiixay Sharciga Gaarka ah ee Jihaynta Doorashooyinka heer Federaal oo Baarlamaanka Soomaaliya aqlabiyad ku ansixiyey shalay oo taariikhdu ahayd 12.04.2021.
Baarlamaanka Soomaaliya ayaa shalay sameeyay Muddo kordhin Laba sana ah waxaana arinkaasi uu abuuray Walaac Farabadan oo ay Muujiyeen Siyaasiinta Soomaaliyeed, Shacabka, Musharaxiinta iyo Beesha Caalamka.
Madaxweyne Farmaajo ayaa Loo arkaa inuu Sii Joogi karo Muddo dheer maadaama aysan Jirin Culeysyo badan oo wajahayo.
Ad