Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Fahad yasiin oo Ka Dagay Baladwayne Asagoo U Xirantahay Koofi lagu Buufiyay...

Fahad yasiin oo Ka Dagay Baladwayne Asagoo U Xirantahay Koofi lagu Buufiyay Nabad iyo Nolol(Sawiro)

0

La-taliyaha amniga Qaranka Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa goordhow ka gaaray Magaalada Baladweyneee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Hirshabelle ayaa Garoonka dayuuradaha Ugaas Khaliif ee Baladweyne ku soo dhaweeyay Fahad Yaasiin oo ah Musharax Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka Somalia.

Amaanka garoonka dayuuradaha Ugaas Khaliif ayaa si aan horey loo arag loo adkeeyey galabta ka hor inta uusan gaarin Fahad Yaasiin, waxaana garoonka baaritaan ku sameeyey ilaaladiisa gaarka ah oo shalay dayuurad looga qaaday magaalada Muqdisho.

Fahad Yaasiin ayaa qaadanaya shahaadada Musharaxnimo ee kursiga Golaha Shacabka tirsigiisu yahay HOP086, kaasoo doorashadiis lagu qaban doono maalinta berri Magaalada Baladweyne.

Ad
Previous articleFahad Yaasiin oo U Duulay Magaalada Baladweyne
Next articleMadaxweyne farmaajo oo War Kulul Kasoo Saaray Heshiis Muran Badan Dhaliyay oo Wasiirka Batroolku Saxiixay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here