Home Wararka Maanta Fahad iyo Farmaajo oo Damacsan inay Taliyaha NISA ka Dhigaan C.raxmaan Dheere

Fahad iyo Farmaajo oo Damacsan inay Taliyaha NISA ka Dhigaan C.raxmaan Dheere

0

Sida ay ogaatay Mudug24, madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa qorsheenaya inuu agaasimaha cusub ee Hay’adda sirdoonka Soomaaliya ka dhigo Cabdiraxmaan Dheere oo ka tirsanaa baarlamaankii 10-aad.

Sida aan xogta ku helnay, madaxweyne Farmaajo ayaa doonaya inuu maalmaha soo socdo u magacaabo Cabdiraxmaan Dheere agaasimaha Hay’adda NISA oo muddo badan aan laheyn agaasime kadib khilaafkii ka dhex dhacay Farmaajo iyo Rooble.

Hay’adda ayaa waxaa hadda agaasimne ku-meel gaar ah ka ah Yaasiin Farey, balse Farmaajo iyo Rooble ayaa ku heshiiyey in la magacaabo agaasime ay isku raacsan yihiin, maadaama Yaasiin Farey lagu tiriyo dhanka madaxweynaha.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa la sheegay inuu diidan yahay in xilkaan loo magacaabo Cabdiraxmaan Dheere, oo si aad ah ugu dhow Fahad iyo Farmaajo, waxayna taas caqabad weyn ku tahay madaxweye Farmaajo.

Cabdiraxmaan Dheere ayaa billaabay inuu xildhibaano ku dhow Rooble kala hadlay inay xilkamsoo ogoleysiiyaan ra’iisul wasaaraha maadaama madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble ay horey ugu heshiiyeen in cidda loo magacaabayo xilkaas uu noqdo qof ay isla ogol yihiin labadooda

Rooble iyo Farmaajo ayaa wuxuu khilaafkooda kasoo bilowday xil ka qaadistii uu Rooble ku sameeyey Agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir kadib markii gacanta hey’adda lagu waayey Ikraan Tahliil Faarax.

Ad
Previous articleDeg deg: Doorasho 9 mushrax u Taagnayd oo ahayd in Caawa lagu Qabto Magaalada Baladweyne oo Dib loo Dhigay
Next articleColaadii ka Taagnayd labada Maleshiyo Beelood ee Balanbal iyo Guriceel oo Heshiiis laga Gaaray(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here