Home Wararka Maanta Faahfaahin:Aabe si arxan darro lah loogu hor-dilay qoyskiisa Xili uu cawaysimaayay

Faahfaahin:Aabe si arxan darro lah loogu hor-dilay qoyskiisa Xili uu cawaysimaayay

0

Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil qorsheysan oo ay xalay kooxo hubeysan ka gaysteen duleedka magaalada caasimada ah ee Muqdisho, kaas oo loo gaystay Aabe ku dhex jiray carruurtiisa iyo qoyskiisa

Dilkan oo si gaar ah uga dhacay deegaanka Xaawo Cabdi ayaa waxaa gaystay rag ku hubeysnaa qoryo iyo mindiyo oo weerar ku qaaday qoyskaasi.

Gabar kamid ah ehellada oo la hadashay warbaahinta ayaa sheegtay in weerarka uu dhacay xilli ay joogeen bannaanka, isla markaana lagu hor-dilay Aabaha.

Sidoo kale waxa ay tilmaamtay in kooxda dilka gaysatay ay taleefanada ka dhaceen, kadibna ay rasaas fureen, taas oo uu ku dhintay marxuumka oo 40 sano jir ahaa.

“Waxay ahaayeen 7 ruux oo ku hubeysnaa qoryo iyo mindiyo way nasoo galeen wiilna waa naga dileen wayna dhaceen” ayay tiri gabar kamid ah dadka deegaanka.

Sidoo kale waxay baaq cod dheer u dirtay dowladda federaaka Soomaaliya, ayada oo ka dalbatay inay wax ka qabato dhibaatooyinka oo ay sheegtay inay soo laa laabteen.

“Waxaan dalbaneynaa in nagala qabto dhalinyarada qoryaha wadata ee nagu soo soofeyso habeen walbo” ayay sii raacisay.

Inta badan waxaa Muqdisho iyo deegaanada u dhow ka dhaca dilal qorsheysan iyo dhac baahsan oo ay shacaba u gaystaan burcad hubeysan, hadda waxaa socda howlgallada ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo dhowr jeer lagu soo qabtay rag hubeysan

Madaxweyne Galmudug oo ku baaqay in loo Midoobo Dhameestirka Kooxda Shabaab

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor oo la hadlaayay Shacabka Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in Al shabaab ay marayaan waqtiyadoodi ugu dambeeyay kaliya loo baahan yahay in loo midoobo

NISA oo faah faahin ka bixisay duqeymo 24 kii saac ee lasoo dhaafay ka dhacay Shabeelooyinka

War ay soo saartay Hay'adda NISA ayaa lagu sheegay in Howlgal duqeyn ah oo ay iska kaashadeen Ciidamada Hay'adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA, iyo Ciidamada Xoogga dalka ay

Dowladaha Itoobiya iyo Israa’iil oo iska Caawinaya la dagaalanka Al-Shabaab iyo Xuutiyiinta

Dowladda Israa’iil ayaa Itoobiya ka codsatay inay iskaashi ka sameeyaan la dagaalanka argagixisada Bariga Dhexe iyo Afrika, iyagoo argagixisada ku tilmaamay cadow ay wadaagaan labada dal. Shir jaraa’id oo ay

Nin Qof Shacab ah Dilay oo lagu Qabtay Magaalada Hargeysa

Booliiska Somaliland ayaa Khamiistii soo qabtay nin lagu eedeynayo inuu qof kale ku dilay degmada Maxamed Mooge ee magaalada Hargeysa. Qoraal lagu baahiyay barta Facebook ee Ciidanka Booliiska ayaa lagu

Maxmada Garoowe oo Xukuntay Nin Garaacay Wiil yar oo Ajanabi Ah

Maxkamadda Darajada 1aad ee gobolka Nugaal ee maamulka Puntland, ayaa maanta xukun adag oo xabsi ah ku riday nin oday ah oo lagu eedeeyay in si sharcidarro ah suuq dhaxdiisa
Ad
Previous articleSanbaloolshe oo Maantay Magacaabay Taliyaal Badan Akhriso Qabiilada ay kasoo jeedaan
Next articleQaramada Midoobe Oo Qaaday Talaabo Uga Sii Dari Karta Xaaladda Magaalada Rafax