Home Wararka Somaliya Somaliland Duqa magaalada Laasacaanood oo Ka Hadalay Dagaalka Maalintii Sadexaad ka Socda Laasacaanood

Duqa magaalada Laasacaanood oo Ka Hadalay Dagaalka Maalintii Sadexaad ka Socda Laasacaanood

0

Duqa magaalada Laascaanood ee Somaliland iyo xildhibaanada golaha deegaanka ayaa ku dhawaaqay in magaalada duqeyn aan kala sooc-laheyn ay ku hayaan ciidanka SL, ayna beegsanayaan dhammaan goobaha ka caagan dagaalka, waxay sheegeen in dagaalka u dhaxeeya ciidamo soo duulay iyo dadka deegaanka, iyagoo sheegay in dagaalka u dhaxeeyo qabiilo Soomaaliyeed oo ay magacabeen.

Duqa magaalada Laascaanood ee maamulka SL ugu magacownaa ayaa sheegay in ay dagaalamayaan, oo ay difaacayaan dadkooda, Madaxweyne Biixi ayuu ugu yeeray in uu ciidamadiisa kala baxo dhulka SSC.

Tani ayaa wajigabax ku ah wasiirka Arrimaha gudaha SL oo saacad kahor sheegay in ay Argagixiso kula dagaalamayaan Lascaanood.

Ad
Previous articleDagaal Maalintii Sadexaad Kasocda Laasacaanood iyo Soomaaliland oo War Cusub Soo saartay
Next articleFaahfaahin Saldhigyo Waawayn oo Laga Saaray Ciidamada Soomaaliland iyo Dagaal Qaraar oo Wali Socda

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here