Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya iska hor imaad maanta ka dhacay gudaha magaalada Qardho ee Puntland, kaas oo ka dhashay weerar ay maleeshiyaad beeleed hubeysan ku qaadeen saldhigga weyn ee magaaladaas.
Wararka ayaa sheegaya in maleeshiyaadka ay doonayeen inay soo furtaan maxaabiis ku xiraneyd saldhigga, kuwaas oo maxkamadda Qardho ay xukun ku ridday, waxaana la sheegay in ragga weerarka qaaday ay sidoo kale diidan yihiin in maxaabiistaas oo ay isku heyb yihiin loo gudbiyo xabsiga dhexe ee magaalada Garoowe ee xarunta Puntland.
Israsaaseynta dhex-martay ciidamada ammaanka iyo ragga hubeysan ayaa si xoogan looga dareemay magaalada oo dhan, taas oo cabsi ku beertay dadka deegaanka.
Sidoo kale dagaalka maanta Qardho ka dhacay ayaa saameyn ku yeeshay dhaq-dhaqaaqa, dadka, gaadiidka iyo ganacsiga, sida ay innoo sheegeen qaar ka mid ah dadka deegaanka.
Ma cadda khasaaraha ka dhashay iska hor imaadkan, balse xaaladda ayaa haatan mid aad u kacsan, ayada oo ciidamo dheeraad ah lagu arkayo waddooyinka waa weyn.
Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo illaa iyo hadda ka soo baxay maamulka degmada iyo saraakiisha laamaha ammaanka Puntland oo la xiriira shaqaaqadaasi
Qardho ayaa waxaa inta badan ka dhaca iska hor imaadyo hubeysan, kuwaas oo geysta khasaarooyin kala duwan, waxaana horey loogu dilay taliyihii saldhigga magaaladaasi, xilli uu waday howlgal culus, kadib markii ay isku dhaceen koox ka ganacsanesay Qamriga.
Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay