Home Wararka Maanta Faah Faahin Ku saabsan Qarax ka dhacay Muqdisho

Faah Faahin Ku saabsan Qarax ka dhacay Muqdisho

0

Inta la xaqiijiyay afar qof oo rayid ah ayaa ku dhintay qarax lala eegtay gaari uu leeyahay xoghayaha degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho kaasoo marayay meel suuq ah oo isla degmada ka tirsan una dhow Xarunta degmada.

Dadka deegaanka ayaa sheegay inay arkeen dad dhintay iyo kuwa dhaawaca oo goobta laga qaadayo markii uu qaraxu dhacay kadib.

Qaraxa oo ahaa nooca hareerraha wadooyinka la dhigo ee meelaha fog laga hago ayaa waxa ka badbaaday qofka la doonayay  xoghayaha degmada Dayniile Mahad Sharaawe, balse waxa halkaas kaga dhaawacmay hal askari oo ka tirsan ilaaladiisa.

Isla degmada Daynniile qarax kale oo ah nooca waddada hareerraheeda la dhigo ayaa lagu weerarray gaari marayay agagaarka xerada Damaanyo oo ku taal dhabarka dambe ee Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, balse lama soo sheegin wax khasaare ah oo qaraxaasi uu dhaliyay.

Illaa hadda ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxyada saaka ka dhacay degmada dayniile balse weerarrada noocan ah ayaa waxaa inta badan sheegta Ururka Al-Shabaab.

Ad
Previous articleSawiro: Doomo ku soo xirtay Dekada Hobyo oo Dhisme Ka Socdo
Next articleShir uga soconaya Muqdisho Madaxda Dowlad Gobaleedyada iyo Beesha Caalamka (SAWIRO)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here