Home Wararka Maanta Eyga Biden oo markii labaad qaniinay ilaalada gaarka ah ee madaxweynaha

Eyga Biden oo markii labaad qaniinay ilaalada gaarka ah ee madaxweynaha

0

Eyga qoyska Biden ee labada jirka ah oo ah nooca Jarmal Shepherd, ayaa mar kale qaniinay wakiil kale oo kamid ah oo Adeegga Sirta ah ee madaxweynaha.

Weerarka ayaa dhacay habeenimadii Isniinta, waxaana sarkaalka lagu daweeyay goobta, sida lagu sheegay bayaan ay soo saartay waaxda sirdoonka Talaadadii. Tani waa markii 11-aad ee eygu uu qaniino waardiyaha Aqalka Cad ama guriga qoyska Biden.

Xoghayaha warfaafinta ee Aqalka Cad ayaa horay ugu eedeeyay weraradaasi inay ka dambeeyaan culeyska nolosha ee Aqalka Cad.

“Sida aad wada ogtihiin, dhismaha Aqalka Cad wuxuu noqon karaa mid gaar ah oo walaac badan leh. Taasi waa wax aan hubo inaad dhammaantiin fahmi kartaan,” ayay tiri bishii Luulyo.

Dhacdooyinka kale ee qaniinyada ayaa ka dhacay guriga madaxweynaha iyo marwada koowaad ee Delaware.⁵

Ad
Previous articleSiyaasiyiinta mucaaradka Puntland ee Hubaysan oo Qabanaaya Shir Culus oo ka Dhan ah Siciid Deni
Next articleWar Deg Deg ah:Alshabaab oo Qaraxyo ismiidaamin ah ku Qaaday Dhusamareeb

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here