Home Wararka Maanta Ergeyga gaarka ah ee Maraykanka u qaabilsan Geeska Afrika Jeffrey oo iscasilay

Ergeyga gaarka ah ee Maraykanka u qaabilsan Geeska Afrika Jeffrey oo iscasilay

0

Ergeyga gaarka ah ee Maraykanka u qaabilsan Geeska Afrika Jeffrey Feltman ayaa bishan xilka ka tagaya kadib muddo 9 bilood ah oo uu xilkaasi hayay, waxaana xilkaas la wareegaya David Satterfield oo ah safiirka Maraykanka u fadhiya Turkiga, sida ay qortay wadaaladda wararka Reuters Arbacadii.

Feltman, oo ah diblomaasi ruug-caddaa ah ayaa xilka la wareegay bishii April, waxana uu si degdeg ah ula kulmay laba xasarood oo waaweyn oo kala ahaa dagaal sokeeye ee ka socda Itoobiya oo u dhexeeya ciidamada daacadda u ah Jabhadda Xoraynta Shacabka Tigray (TPLF) iyo ciidanka Ra’iisal-wasaare Abiy Axmed iyo sidoo kale afgambi militari oo ka dhacay dalka Suudaan bishii Oktoobar.

Warka shaqo ka tagistiisa oo aan horay loo sheegin ayaa soo baxay ka hor inta uusan Khamiista aadin dalka Itoobiya, si uu ula kulmo madaxda sare ee dowladda, waxaana safarkiisu ku saabsan yahay wadahadallo nabadeed oo qeyb ka ah dadaalladii ugu dambeeyay ee Washington ay ku doonayso in lagu soo afjaro colaadda.

Ad