Home Wararka Maanta Ciidamado isku Dayay inay Hub iyo Rasaas la baxaan oo la Qabtay

Ciidamado isku Dayay inay Hub iyo Rasaas la baxaan oo la Qabtay

0

Ciidamada katirsan daraawiishta maamulka Puntland ayaa xabsiga la dhigay , kadib markii ay isku dayeen in hub badan iyo rasaas kala baxaan xeradda tababarka ciidamada Xorgoble ee kutaala Magaalada Qardho.

Wararka aan helnay ayaa sheegaya in ciidamadan daraawiishta xiligii ay isku dayayeen in hubka xerada ka qaataan is hortaag kala kulmeem ciidano katirsan booliiska Puntland, waxaana labada ciidan dhax maray iska hor imaad khasaaro geestay.

Ciidamada booliiska Puntland iyo ciidamo katirsan ilaalada Madaxtooyada Puntland ayaa howlgal ay sameeyeen waxa ay kusoo qabteen 13-askari oo katirsan ciidamada daraawiishta ee isku dayay in ay hubka kala baxaan xeradda Xorgoble.

Saraakiil katirsan ciidamada booliiska magaalada Qardho ayaa sheegay in ay socdaan howlgalo lagu baadi goobayo qaar kamid ah ciidamadii isku dayay in hubka la baxaan oo qaarkood baxsadeen.

 

Ad
Previous articleErgeyga gaarka ah ee Maraykanka u qaabilsan Geeska Afrika Jeffrey oo iscasilay
Next articleShirka Golaha Wadatashi Qaran oo Qarka Usaaran inuu Burburo iyo Madaxweynayaal Sheegay inay ka Baxayaan shirka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here