Home Wararka Maanta Alshabaab oo Markale Weerar Qasaaro Gaystay ku Qaaday Kenyo

Alshabaab oo Markale Weerar Qasaaro Gaystay ku Qaaday Kenyo

0

Dagaalyahano katirsan Al Shabaab ayaa mar kale weerar khasaaro geestay ka fulisay gobolka xeebta dalka Kenya ee Lamu, waxaana gobolkaasi kusii kordhaya cabsida dadku ka qabaan weerarada Al Shabaab.

Weerar Al Shabaab ku qaadeen deegaanka Hindi oo katirsan Lamu ayaa lagu soo waramayaa in lagu dilay labo qof, kadib markii dagaalyahanada Al Shabaab ay dadkaasi guryahooda ugu galeen.

Al Shabaab ayaa isniintii weerar ay ka fuliyeen isniintii deegaan kale oo katirsan Lamu ku dilay ilaa 6 qof oo qaarkood la gowrcay, waxa ay sidoo kale Al Shabaab gubeen guryo ku yaalay deegaankaasi.

Wasiirka amniga gudaha, Fred Matiangi, ayaa sheegay in bandow xiliga habeenkii ah lagu soo rogay gobolka xeenta ee Lamu si looga hortago weerarada Al Shabaab ee ka fuliyaan aagaasi.

Ciidamo badan oo katirsan booliiska iyo milatariga Kenya ayaa la geeyay deegaano katirsan gobolka Xeebta ee Lamu si ay uga hortagaan weerarada Al Shabaab ka fuliyaan deegaanadaasi oo cabsi badan hada ka jirto.

 

Ad
Previous articleWasiirka Difaaca Soomaaliya oo Taliyaha Ciidanka Xooga ka dalbaday in loo yeero 5 Sarkaal oo Lagu Eedeeyay Afgambi Fashilmay (Akhriso)
Next articleErgeyga gaarka ah ee Maraykanka u qaabilsan Geeska Afrika Jeffrey oo iscasilay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here