Home Wararka Somaliya Somaliland Ergada Dooranaysa Xildhibaanada Goballada Waqooyi oo Maanta la xareenayo

Ergada Dooranaysa Xildhibaanada Goballada Waqooyi oo Maanta la xareenayo

0

Maanta oo Axad ah ayaa waxaa la filayaa in la xareeyo Ergada Magaalada Muqdisho ku dooraneeysa 11 Xubnood ee Xildhibaannada Aqalka Sare ku leeyihiin Gobolada Waqooyi ee Somaliland.

Guddiga maamulaya doorashada Gobolada Waqooyi ayaa qoraal kooban oo uu soo saaray waxaa uu faray Ergada inay si deg deg ah ugu soo xaroodaan Hangarka Xerada Afisiyooni ee Magaalada Muqdisho.

Guddiga doorashooyinka Gobolada Waqooyi ayaa shalay oo Sabti ah waxaa ay soo geba-gabeeyeen diiwaangelinta mushaflrixiinta Aqalka Sare.

Maalinta Berito oo Isniin ah ayaa waxaa la filayaa in musharixiinta Aqalka Sare ay jeediyaan khudbadahoida musharaxnimo, si 28 Bisha oo ku beegan Isniinta ay u qabsoonto doorashada Aqalka Sare ee Gobolada Waqooyi

Ad
Previous articleMadaxweyne Ku xigeenka Galmudug oo Xariga ka jaray Dekeda Hobyo
Next articleDowladda Qadar ayaa Cambaareysay Qaraxii shalay ka dhacay Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here