Home Wararka Maanta Dowladda Qadar ayaa Cambaareysay Qaraxii shalay ka dhacay Muqdisho

Dowladda Qadar ayaa Cambaareysay Qaraxii shalay ka dhacay Muqdisho

0

Dowladda Qatar ayaa cambaareyn xooggan u soo jeedisay qaraxii ismiidaaminta ahaa ee shalay ka dhacay bar koontarool oo ku taalla isgooska ceelgaabta ee Muqdisho kaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Qatar ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in ay si adag ugasoo horjeedo ficilada argagixiso, waxayna kuwa dhaawacmay u rajaysay caafimaad deg -deg ah.

Dhinaca kale, khasaaraha ka dhashay qaraxii shalay ayaa sii kordhaysa, iyadoo tirada dhimashada ay ka badan tahay toban qof sida ay sheegayaan ilaha caafimaadka isbitaalada Muqdisho.

Waa markii ugu horraysay oo muddo sano ah kadib ay  Muqdisho  maalmo is-xiga xiga ay ka dhaceen qaraxyo ismiidaamin ah oo ay dad badani ku dhinteen.

Waxay kusoo aadayaan xilli uu khilaaf xooggan ka dhaxeeyo madaxda ugu sarreysa dalka, khilaafkaas oo fursad u noqon kara in amniga uu qalqal galo.

Ad
Previous articleErgada Dooranaysa Xildhibaanada Goballada Waqooyi oo Maanta la xareenayo
Next articleQofkii lixaad ayaa loo xiray dil Wiil Soomaali ah loogu gaystay UK

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here