Home Wararka Somaliya Jubbaland Duqeyn cirka ah oo lagu qaaday Saakow iyo Salagle oo khasaare gaysatay(Sawiro)

Duqeyn cirka ah oo lagu qaaday Saakow iyo Salagle oo khasaare gaysatay(Sawiro)

0

Habeenkii labaad waxa duqeyn xagga cirka ah lala beegsaday magaalooyinka Saakow iyo Salagle ee gobolka Jubada Dhexe, iyadoo la soo weriyay khasaare dad rayida gaaray.

Sida ay baahisay warbaahinta taageerta Alshabaab duqeyntii ka dhacday Salagle waxa ku dhintay hooyo iyo ilmo ay dhashay. Dhinaca Saakowna, waxa ku dhaawacmay qof rayida, iyadoo burbur xoog lehna uu gaaray dhismaha shirkadda Hormuud ee magaaladaasi iyo guryo dad rayida leeyihiin.

Sawirro shirkadda Hormuud ay la wadaagtay Warbaahinta  ayaa muujinaya burbur baaxad leh oo gaaray xaruntooda, inkastoo shaqaalaheedu ka bad qabaan duqeynta.

Sarkaal ka tirsan Hormuud ayaa Warbaahinta u sheegay in xafiisyada shirakada iyo gawaari ay ku burbureen duqeynta.

Illaa hadda lama yaqaano cidda lahayd diyaaradaha duqeeyay Saakow iyo Salagle.

Magaalooyinka gobolka Jubada Dhexe oo dhan waxa maamula ururka Alshabaab.

Ad
Previous articleDeni oo Xilka Ka Qaaday Laba Wasiir oo Saaxiib Dhiw la ahaa
Next articleBaarlamaanka Galmudug oo Maantay Ansixiyay Sharciga U ogalanaaya Qoor Qoor Mudo Kordhin(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here