Home Wararka Somaliya Jubbaland Deni oo Xilka Ka Qaaday Laba Wasiir oo Saaxiib Dhiw la ahaa

Deni oo Xilka Ka Qaaday Laba Wasiir oo Saaxiib Dhiw la ahaa

0

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni oo goordhow soo saaray digreeto ayaa xilka qaadis ku saameeyay laba wasiir oo ka tirsanaa xukuumaddiisa, sababo la xirira xil gudasho la’aan.

Wasiirada xilka laga qaaday waxaa kamid ah Cabdisamad Maxamed Galan oo ahaa wasiirka amniga gudaha Puntland, kaas oo muddo dheer la shaqeynayay madaxweyne Saciid Deni.

Qoraal ka soo baxay Xafiisk Saciid Deni ayaa lagu yiri, “Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 26, 17 June 2023, Kuna saabsan xil ka qaadis.”

“Waxaa xil ka qaadis lagu sameeyay: Cabdisamad Maxamed Galan, Wasiirka Amniga iyo DDR-ta Puntland,” ayaa lagu yiri wareegtada ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni

Sidoo kale waxaa xilka laga qaaday wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dimuqraadiyeeynta Puntland Cabdiweli Mire Xirsi, sida lagu sheegay wareegtada kasoo baxday madaxtooyada maamulkaasi.

Tallaabadan ayaa kusoo aadeyso, ayada oo dhowaan xildhibaan Cabdiqani Dhaashane oo ka tirsan baarlamaanka Puntland lagu weeraray bartamaha magaalada Garoowe, taas oo loo sababeynayo xilka qaadista maanta lagu sameeyay wasiir Galan iyo Cabdiweli Mire Xiirsi.

Si kastaba Puntland ayaa haatan wajaheysa xaalad siyaasadeed oo ka dhalatay doorashooyinka qof iyo codka ah ee maamulkaas, gaar ahaan kuwa gobolka  Nugaal.

Halkan hoose ka aqriso wareegtada oo dhammeystiran:-

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 26, 17 June 2023, Kuna saabsan xil ka qaadis.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka  Dowladda Puntland Qodobkiisa 80aad.

Markuu arkay:  Xil gudasha la’aantooda

Wuxuu xeeriyey:

Waxaa xil ka qaadis lagu sameeyay:

  1. Cabdisamad Maxamed Galan, Wasiirka Amniga iyo DDR-ta Puntland.
  2. Cabdiweli Mire Xirsi, Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha , Federaalka iyo Dimuqraadiyeeynta Puntland.
Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay.

DHAMMAAD

XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND

Ad
Previous articleXisbiga Farmaajo oo shaaciyay in Cali Yare Cali uusan kamid aheyn Nabad iyo Nolol
Next articleDuqeyn cirka ah oo lagu qaaday Saakow iyo Salagle oo khasaare gaysatay(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here