Home Wararka Maanta Duqayn lagu laayay Daacish oo ka dhacday Buuraha puntland

Duqayn lagu laayay Daacish oo ka dhacday Buuraha puntland

0

Ciidamada amniga ee Puntland ayaa Isniintii shaaciyey in duqeyn cirka ah oo dhawaan ka dhacday gobolka Bari lagu dilay in ka badan 13 dagaalyahan oo ajnabi ah oo ka tirsan kooxda Daacish.

Duqeyntan ayaa lagu beegsaday saldhigyo ay kooxaha argagixisada ku dhuumaaleysanayeen, waxaana ay qeyb ka ahayd howlgalka socda ee ka dhanka ah argagixisada oo la fuliyay 24-kii saac ee la soo dhaafay, sida ay sheegeen saraakiisha amniga ee gobolka.

“Duqeyntii lagu qaaday deegaanka Dhasaq, oo ka tirsan buuraleyda Calmiskaad, 24-kii saac ee la soo dhaafay, waxaa lagu dilay in ka badan 13 dagaalyahan oo ajnabi ah oo ka tirsan Daacish,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay unugga la-dagaalanka argagixisada ee Puntland.

Ciidamada amniga ayaa sidoo kale howlgal ballaaran ka fuliyay deegaannada Hararyo iyo Toga-Jeceel, iyagoo sii ballaarinaya hawlgalladooda si ay u beegsadaan goobo kale oo ay ku sugan yihiin xubnaha Daacish.

“Intii uu socday howlgalka, ciidamada waxay heleen xarumo ay horey u isticmaali jireen kooxaha argagixisada ee Daacish,” ayaa lagu yiri bayaan kale oo lagu daabacay baraha bulshada, gaar ahaan X.

Saraakiisha amniga gobolka ma aysan caddeyn dalka fuliyay duqeyntan. Si kastaba ha ahaatee, weerarkan ayaa dhacay wax ka badan toddobaad kaddib markii Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) uu xaqiijiyay inuu duqeymo ka dhan ah Daacish ka fuliyay Soomaaliya, isagoo kaashanaya dowladda Soomaaliya.

Ciidamada amniga ayaa muddo ka badan bil waday howlgallo ka dhan ah kooxda argagixisada, iyagoo ku guuleystay in ay ka xoreeyaan deegaanno badan oo horey gacanta ugu jiray kooxdaas.

Soomaaliya ayaa muddo sanado ah wajahaysay amni darro baahsan, iyadoo khataraha ugu waaweyn ay ka imanayaan kooxaha argagixisada ee al-Shabaab iyo Daacish.

Tan iyo 2007, al-Shabaab ayaa dagaal kula jirtay dowladda Soomaaliya iyo Hawlgalka Ku-meelgaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya AUSSOM oo ah hawlgal dhinacyo badan leh oo ay ansixiyeen Midowga Afrika isla markaana uu ogolaaday Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Kooxda al-Shabaab ayaa kordhisay weerarada ay ka fuliso dalka tan iyo markii Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu ku dhawaaqay “dagaal aan waxba la iskula harin” oo ka dhan ah kooxdaas.

Maxmada Garoowe oo Xukuntay Nin Garaacay Wiil yar oo Ajanabi Ah

Maxkamadda Darajada 1aad ee gobolka Nugaal ee maamulka Puntland, ayaa maanta xukun adag oo xabsi ah ku riday nin oday ah oo lagu eedeeyay in si sharcidarro ah suuq dhaxdiisa

Dagaal Dhexmara Itoobiya iyo Ereteriya oo laga Cabsi Qabo Inuu Qarxo

Waxaa laga cabsi qabaa in dagaal cusub uu ka dhex qarxo dowladaha Ereteriya iyo Itoobiya, kuwaasoo maalmihii u dambeeyay ciidamo ku daabulayay deegannada u dhow xadka ay wadaagaan. Madaxweyne ku

Warar laga helayo Dagaalo ka dhacay Deegaano Hoostaga Galmudug Sida Ceelhuur

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo Xalay ka dhacay deegaanka Biyo cadle oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud. Dagaalka ayaa ahaa mid

Xamse oo booqday ciidamada Dowladda iyo kuwa degaanka ee ku dhaawacmay dagaalka lagula jiro Al shabaab

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa xalay ku booqday isbitaalada Xooga dalka iyo isbitaalka Erdogan dhaawacyada Ciidanka Qaranka iyo kuwa deegaanka ee ay waxyeelladu ka soo gaartay dagaalka lagula

Xubno sare oo ka tirsan Al shabaab oo lagu dilay Duqeymo ka dhacday Gobolka Shabeellaha Dhexe

War saxaafadeed kasoo baxay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in iyagoo kaashanaya saaxiibada caalamka ay fuliyeen howlgal duqeyn ah oo si gaar ah loo qorsheeyay, kaas oo lagu
Ad
Previous articleWararkii ugu danbeeyey Dagaal qaraar oo dhexmaray puntland iyo daacish
Next articleXildhibaankii ugu horeeyey oo maantay ku dhawaaqay inuu mushaarkiisa bishaan u hibeeyey Ciidamada Puntland