Home Wararka Maanta Wararkii ugu danbeeyey Dagaal qaraar oo dhexmaray puntland iyo daacish

Wararkii ugu danbeeyey Dagaal qaraar oo dhexmaray puntland iyo daacish

0

Wararka naga soo gaaraya gobolka Bari ayaa sheegaya in saaka howlgal kale oo wayn ay qaadeen ciidamada ammaanka Puntland, kaas oo lagu beegsaday fariisimo ay Daacish ku sugneyd, kuna yaalla aagga buuraha Calmiskaad.

Howlgalka oo ahaa mid qorsheysan ayaa si gaar ah uga dhaca deegaanka Haraaryo oo u dhow halka loo yaqaano Toga-Jaceel, waxaana culus jab lagu gaarsiiyay kooxda Daacish.

Qoraal kooban oo kasoo baxay Taliska Howlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland ayaa waxaa lagu sheegay in maleeshiyaadka kooxda dhegta dhiigga loo daray, isla-markaana dhimasho iyo dhaawac lagu gaarsiiyay howlgalka ay saaka qaadeen ciidamada ammaanka.

“Ciidanku waxay markale dhegta dhiiga u dareen, Argagixisada Daacish- deegaanka Haraaryo, Toga-Jaceel ee buuralayda Calmiskaad” ayaa lagu yiri qoraal taliska.

Sidoo kale waxa lasii raaciyay in maydad badan ay ka carareen xubnaha Daacish ee ku sugnaa deegaanka Haraaryo oo ah halka lagu beegsaday maleeshiyaadka.

“Saaka maydkooda Argagixisada Daacish, ayaa meel walbo yaallo – Haraaryo , Tog jeceel, buuraha Calmiskaad” ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeedka.

Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo culus laga dareemayaa aaga buuraha Calmiskaad oo ah halka ay isku hayaan Puntland iyo kooxda Daacish.

Howlgalkan waxaa ka horreeyay weerar kale oo dhanka cirka ah oo Isniintii lagu beegsaday Daacish, loogana dilau illaa 13 dagaalyahan oo ajnabi ahaa, sida ay shaacisay Puntland.

Duqeyntan ayaa lagu garaacay saldhigyo ay kooxda argagixisada ku dhuumaaleysaneysay, waxaana ay qeyb ka ahayd howlgalka socda ee ka dhanka ah argagixisada oo la fuliyay 24-kii saac ee la soo dhaafay, sida ay sheegeen saraakiisha amniga ee gobolka.

Wafdi uu Hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibada UAE oo soo gaaray Muqdisho

Wafdi sare oo ka socda dawladda Imaaraatka Carabta, uuna hogaaminayo Wasiiru dowlaha Arrimaha dibada ee Sheikh Shakhboot Nahyan Al Nahyan, ayna ku jiraan saraakiil sarsare oo ciidan iyo diblumaasiyiin galabta

Mucaaradka Turkiga ahna Duqa Istanbul oo lagu xiray Dalkaasi

Ekrem Imamoglu, Duqa Istanbul ahna hoggaanka xisbiga mucaaradka, tartan xooganna kula jira Madaxweyne Erdogan, ayaa saaka xabsiga loo taxaabay asaga iyo 100 siyaasi oo kale oo mucaaradka ah. Imamoglu waa

Dowlada Somaliya oo beenisay hadalka Puntland ee ku diiday Kaarka Aqoonsiga

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee xukuumada Somalia ayaa sheegtay Kaarka Aqoonsiga Qaran inuu yahay xaq Dadweyne oo ilaalinta xogtiisana ay yahay mid sugan. Qoraal ka soo baxay Wasaaradda ayaa lagu sheegay

Ciidan Tababar ahaan u joogay Turkiga oo isku Qacan Qaaday gudaha xerada Tababarka

Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa Askar Soomaali tababar u joogtay Turkiga oo kubbad ciyaarayay oo dagaal ka dhex qaraxay, taasina waxay keentay in ay dhawacmaan ilaa iyo 24

Puntland oo sheegtay in Aqoonsiga Qaranka uu Noqday mashruuc hanti urursi ah oo culays ku ah shacabka Soomaaliyeed

Puntland ayaa si cad uga hortimid diiwaangelinta kaarka aqoonsiga qaranka (National ID) ee dowladda Fecderaalka Soomaaliya, iyada oo sheegtay in qorshahan uu yahay mid siyaasadaysan, loogana dan leeyahay doorashooyin aan
Ad
Previous articleDowlada Uganda oo Dalabkii Xasan Shiikh Diiday Itoobiyana Garab siisay
Next articleDuqayn lagu laayay Daacish oo ka dhacday Buuraha puntland