Home Wararka Maanta Dowladda UK oo markii ugu horreysay si faahfaahsan uga hadashay xaaladda cakiran...

Dowladda UK oo markii ugu horreysay si faahfaahsan uga hadashay xaaladda cakiran ee Puntland

0

Dowladda UK ayaa markii ugu horreysay si faahfaahsan uga hadashay xaaladda cakiran ee Puntland, gaar ahaan muranka hareeray doorashada.

Safiirka Ingiriiska u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Mike Nithavrianakis oo wareysi gaar ah siiyay Telefishinka Dalsan ayaa si qoto dheer uga hadlay xaaladda cakiran ee Puntland, isaga oo ku baaqay in weli lagu dhammeeyo deganaan, si looga hortago qalalaase kale.

Ugu horreyn wuxuu wax laga xumaado ku tilmaamay iska hor imaadkii Garoowe ka dhacay, kaas oo u dhexeeyay ciidamo kala tirsan maamulka iyo xubnaha mucaaradka.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in dowladdiisa ay si dhow ula socoto xaaladda Puntland, ayna ogtahay kala aragti duwanaasha u dhexeeya labada ee isku haya doorashada maamulkaasi.

“Run ahaantii waxaan ognahay inuu jiro kala aragti duwanaasho ku saabsan taariikhda iyo qaabka doorashada u dhaceyso iyo in madaxweyne Deni, mucaaradka iyo kooxo kala duwan oo kamid ah odayaasha beelaha ay is haytaan, codkoodana aan la maqleyn” ayuu yiri.

Danjite Mike Nithavrianakis oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay inuu walaac ka muujinayo in arrintu ay sidaan kusii socoto, isla-markaana ay meesha ka baxdo kala dambeynta.

Waxa kale oo uu hoosta ka xariiqay in UK ay saameyn doonto dadaal kasta oo lagu qaboojinayo xiisadda, isla-markaana ay la kulmi doonaan dhinacyada is haya.

“Waxaan ka walaacsanahay suurtagalnimada sii kicinta run ahaantii waxaan wada-hadal la yeelan doonaa qaar kamid ah shaqsiyaadka muhiimka ah maalmaha soo socda, si aan ugu boorino xakameynta” ayuu mar kale yiri safiirka dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya.

Ad
Previous articleFaahfaahin ka soo baxeysa dagaalkii Khaatumo iyo Somaliland
Next articleDoonyo loo raray Gobalka Gedo Xili Daad ba,an kusoo Rogmadeeen(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here