Home Wararka Maanta Doonyo loo raray Gobalka Gedo Xili Daad ba,an kusoo Rogmadeeen(Sawiro)

Doonyo loo raray Gobalka Gedo Xili Daad ba,an kusoo Rogmadeeen(Sawiro)

0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA) ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta gargaar deg-deg ah u dirtay gobolka Gedo oo ay ku dhufteen fatahaado iyo daadad is wata kadib roobab ka da’ay gobolkaas.

Hay’adda oo ka jawaabaysa xaaladaha adag ee ka jira gobolka ayaa doonyo nooca dheereeya ah u dirtay degmada Baardheere oo ka

mid ah meelaha ay ugu daran ee ay ku dhufteen daadadka ku rogmaday gobolka Gedo ee dowlad goboleedka Jubbaland.

Doonyahaan ayaa lagu wadaa in ay ka qayb-qataan bad-baadinta boqolaal shacab ah oo xafadaha degmadaas ku go’doonsan, kuwaas oo ay go’domiyeen fatahaada Wabbiga Jubba, waxaana magaalada Muqdisho looga daabulay diyaarado Qomaatiga u kaca.

“Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA oo ka jawaabaysa xaaladaha adag ee ka jira gobolka #Gedo Degmooyinkiisa kala duwan ee Dowladd goboleedka #Jubaland kuwaas oo ka dhashay roob mahiigaan ah oo watay daadad iyo fatahaad uu sameeyey Wabbiga Jubba oo mara Degmooyinka Gobolkaas ayaa maanta hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka waxa ay laba Doonyood oo ah nuuca dheereeye u dirtay degmada Baardheere” ayaa lagu yirid warsaxaafadeed kasoo baxay SoDMA

Sidoo kale hay’adda ayaa intaasi kusii dartay inay diyaarisay deeq kala duwan oo gargaar ah, kuwaas oo iskuugu jira raashin, dhar iyo daawo, kuwaas oo la gayn doono gobolkaasi.

Waxaa kale oo xusid mudan in maalmo ka hor hay’adda SoDMA doonyo nuuca dheereya ah gaarsiisay degmada Luuq ee gobolka Gedo, si ay u adeegsadaan dadka shacabka ah.

Xaaladda gobolkan ayaa ah mid aad u daran, waxaana saameyn xoogan ku yeeshay roobab daadad wata oo ka da’ay, kuwaas oo gaystay khasaare nafeed iyo mid hantiyeed intaba.

Si kastaba, guud ahaan Soomaaliya waxaa laga digayaa xaaladda Elnino, ayada oo cabsi xoogan laga dareemayo magaalooyinka ay marayaan wabiyada iyo kuwa u dhow xeebaha.

Ad
Previous articleDowladda UK oo markii ugu horreysay si faahfaahsan uga hadashay xaaladda cakiran ee Puntland
Next articleShirka Golaha Wasiirada oo Goordhow lagu ansixiyay laba xeer oo muhiim u ah amniga dalka(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here