Home Wararka Maanta Dowladda Soomaaliya oo u jawaabtay Qaramada Midoobey

Dowladda Soomaaliya oo u jawaabtay Qaramada Midoobey

0

Danjiraha Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Abuukar Daahir Cismaan Abuukar Baalle, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya awood buuxda loo siiyay in hub walba oo galaya gudaha Soomaaliya oo ay ku jirto Somaliland iney ogaato.

Warka danjiraha ayaa yimid, iyadoo Qaramada Midoobay ay Isniintii shalay u codeeyeen in muddo sannad ah lagu kordhiyo muddada xayiraadda hubka ee saaran Soomaaliya,

Danjiraha ayaa ku guulaysan waayaay qorshahe ku aadan in Soomaaliya laga qaado cunaqabataynta hubka ee lagusoo rogay tan iyo 1992, sannadkii kadib markii ay dhacday dowladdii dhexe ee Soomaaliya, xilligaas oo uu hubkii dowladda uu gacanta u galay dad shacab ah.

Abuukar Cusmaan oo ka hadlayay shirka Golaha Ammaanka  ayaa  carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in Soomaaliya si buuxda looga qaado dhammaan cunaqabateynta saaran.

“Waxaan carrabka ku adkeynaynaa muhiimadda ay leedahay in la ogaado halbeegyada si cad loo qeexay, waaqici ah, iyo kuwa la qiyaasi karo, iyadoo lala tashanayo Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, in si buuxda looga qaado dhammaan tallaabooyinka cunaqabateynta ee saaran Soomaaliya,’ ayuu yiri danjiraha Soomaaliya ee UNka.

Golaha ammaanka ayaa sheegay in hubka qarsoodiga ah ee gacanta u gala kooxda Alshabaab, uu xadgudub ku yahay cunno-qabteynta hubka ee QM kusoo rogtay Soomaaliya.

Xigasho Hiiraan Online

Ad
Previous articleRa”isul Wasaare Rooble iyo Madaxweynaha Galmudug oo La Kulmay guddiga Doorashada (Sawiro)
Next articleBaarlamaanka Galmudug oo Gurceel u Meelmariyay Degmo (Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here