Home Wararka Somaliya Galmudug Baarlamaanka Galmudug oo Gurceel u Meelmariyay Degmo (Sawiro)

Baarlamaanka Galmudug oo Gurceel u Meelmariyay Degmo (Sawiro)

0

Gollaha Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa maanta cod aqlabiyad leh ku meel mariyay qaraarka dhamaystirka habraaca degmonnimonee Guriceel oo ay hore ugu meel mariyeen gollaha Wasiirada shirkii lagu qabtay Guriceel bishi lasoo dhaafay.

Wasaradda arrimaha gudaha Galmudug ay maanta hor gaysay gollaha Baarlamaanka qaraarkan oo warbixintiisa lagu cadeeyay in guriceel ay buuxisay dhamaan shuruudihii looga baahnaa in ay yeelato degmo isku filnasho buuxda leh.

Kulan ay Maanta Magaalada Dhuusamareeb ku yeeshaan Baarlamaanka Galmudug oo uu shir guddoominayay Guddoomiye Dr Maxamed Nuur Gacal ayaa waxaa fadhiga soo xaadiray 68-mudane, kuwaas oo dhamaantood cod gacan taag ah ku meel mariyay qaraarkan oo guriceel ka dhigaya degmo leh dhamaan xuquuqaadka ay helayaan degmooyinka kale ee Galmudug

Ad
Previous articleDowladda Soomaaliya oo u jawaabtay Qaramada Midoobey
Next articleRa”isul Wasaare Rooble iyo Madaxweynaha Galmudug oo Kormeeray Xarunta Amniga Doorashada Galmudug (Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here