Home Wararka Maanta Dowladda Soomaaliya oo shaacisay inay dishay 12 ruux oo Shabaab ah

Dowladda Soomaaliya oo shaacisay inay dishay 12 ruux oo Shabaab ah

0

Qoraal kooban oo hey’adda NISA ay ku baahisay barteeda Twitterka ayaa lagu shaaciyey in 12 xubnood oo ka tirsanaa Argagixisada Al-Shabaab ay caawa Muqdisho ku dileen ciidamada ammaanka.

“Howlgal gaar ah ayaa caawa lagu beegsaday 15 sargaal oo Maafiyada AS u qaabilsanaa khalkhal-gelinta Amniga Caasimadda Muqdisho. Waxaana ku dhintay 12 kamid ah Argagixisada. Waa waajib qaran ilaalinta amniga iyo bedbaada umadda Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri qoraalka NISA.

Hey’addu ma shaacin goobta uu ka dhacay howlgalkaas, markii laga reebo in qoraalka ay ku cadahay in howlgalku uu ka dhacay Muqdisho.

Ma jiro wax war ah oo ka soobaxay Shabaab kuna saabsan Sheekada Dowladda ee ah inay dileen 12 ruux oo Shabaab ah.

Ad
Previous articleDowladda Soomaaliya oo dib usoo Calinaysa Ciidamo Muddo Sanada ah La Baadi goobayay
Next articleDhageyso Ra’isul Wasaarihii Hore ee Soomaaliya Cumar C rashiid 4 sana ka dib Muqdisho ku soo laabtay ayaa weerar ku qaaday Farmaajo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here