iyadoo in Mudda ah uu jiray Khilaafka Madaxda Dowladda Soomaaliya Iyo Maamul Gobaleedyada Jubbaland iyo Puntland ayaa Khilaafkaas waxuu saameyn ku yeeshay Shirkii Go’aan ka gaarista Doorashooyinka Dalka.
Shir Muqdisho ka soconaya Muddo 5 Maalin ah waxaana ka qeyb-galin Madaxweyne Dani iyo Axmed Madoobe waxaana Caawa Dowladda Soomaaliya ay shaacisay in Ergo Loo diray Dani iyo Axmed Madoobe.
Qoraal ka soobaxay Caawa Madaxtooyada Soomaaliya ayaa Lagu yiri Sidaan ”
Madaxweynaha JFS mudane Mohamed Abdullahi Farmaajo oo ergo madaxweynayaal ah u diray Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland si loogu soo qanciyo in ay ka soo qayb-galaan shirka Golaha Wadatashiga Qaran.
Madaxwaynayaasha ergada ah ayaa waxay kala yihiin madaxwaynaha Galmudug, madaxwaynaha Koonfur Galbeed iyo madaxwaynaha Hirshabeele.