Home Wararka Maanta Dowladda Soomaaliya oo shaacisay in ay Iska difaacayso Ciidamada Milateriga

Dowladda Soomaaliya oo shaacisay in ay Iska difaacayso Ciidamada Milateriga

0

Wasiirka Amniga Soomaaliya Xasan Xundubeey Jimcaale ayaa goordhow warbaahinta dowladda ka sheegay in aysan gacmaha ka laaban doonin waxa ka socda Muqdisho. Wasiirka ayaa sheegay in dowladdu ay awood u leedahay in ay wax ka qabato wax uu ku sheegay kooxo diidan nabada Muqdisho.

Sidoo kale wasiirka ayaa sheegay in Muqdisho ay ku soo badanayaan maleeshiyaa leh dhaqan muuryaan oo guryaha jabsanaya dadkana cabsi gelinaya, isagoo digniin u diray dadka gabaadka u ah ama la shaqeeya.

Wasiir Xundubeey ayaa sheegay in Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha iyo madaxda kalaba ay dulqaad muujiyeen islamarkaana ay wali diyaar u yihiin nabada Muqdisho, sidoo kale waxa uu sheegay in ragga abaabulaya ay gabaad u noqon karaan kooxo aysan iyaga maamulin sida, Al-qaacida, Al-shabaab iyo xoogag kale.

Hadalka dowladda ayaa u muuqdo in ay weerar ku tahay goobaha ay joogaan ciidamada Mucaaradka iyo ciidanka Milateriga ee diidan muddo korarsiga.

Ad
Previous articleDiyaarado Ciidan sida oo kasoo dagay Garoonka Aadan Cade Magaalada Muqdisho
Next articleGalmudug iyo Hirshabelle oo ka soo Horjeestay Muddo Kororsiga Farmaajo Loo sameeyay (Akhriso)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here