Home Wararka Maanta Dowladda Soomaaliya oo Mowqif cad ka Soo saartay Joogitaanka Ciidamada AMISOM

Dowladda Soomaaliya oo Mowqif cad ka Soo saartay Joogitaanka Ciidamada AMISOM

0

Dowladda Soomaaliya ayaa wax laga xumaado ku tilmaamtay qorshayasha uu wado midowga Afrika oo dhawaan taageeray hindise lagu doonayo in wax ka beddel lagu sameeyo howlgalka nabad ilaalinta Soomaaliya ee AMISOM.

War-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya ay  si cad uga soo horjeedo  hawlgal oo aan ahayn  AMISOM in Soomaaliya laga dhaqan galiyo .

Dowladda federalka Soomaaliya waxay sheegtay in ay Muqdisho ku soo dhaweysay wafdi ka socda Guddiga Midowga Afrika (AUC) iyo AMISOM.

Kulan wadajir ah ayaa la qabtay sida ay sheegtay dowladdu intii u dhexeysay 12 -kii ilaa 14 -kii Oktoobar 2021, si looga wada xaajoodo arrimahan, lana isku fahmo xalka wadajirka ah.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa shirka Golaha Ammaanka oo ku eg 15 -ka November 2021, ka jeedin doono warbixin ku saabsan qorshayasha uu wado midowga Afrika ee wax looga beddelayo howlgalka AMISOM.

Qorshaha ayaa ah in AMISOM  loo beddelo howlgal isku dhaf ah oo ay ku midaysan yihiin midowga Afrika iyo  Qaramada Midoobay

 

Ad
Previous articleRa’isul Wasaare Rooble oo Maanta Booqday Xeebta Liido (Sawiro)
Next articleHowlgalka Doorashada Golaha Shacabka oo La Soo saaray (Akhriso)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here