Home Wararka Somaliya Dowladda Soomaaliya oo caawa Weerartay Guriga Musharax C/raxmaan C shakuur

Dowladda Soomaaliya oo caawa Weerartay Guriga Musharax C/raxmaan C shakuur

0

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa sheegay in ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya ay weerar cad ku soo qaadeen guriga uu degan yahay oo ku yaalla dalcada Cabdiqaasim ee degmada Hodan.

Waxaa uu sheegay in ciidankan uu Farmaajo amar soo siiyay lana doonaayo in lagu layo askartiisa.

“Ciidanka Farmaajo ayaa weerar ku soo qaaday hoyga aan ka deganahay Magaalada Muqdisho. Waxaan horay uga dignay in ciidanka loo adeegsado siyaasada. Waxaa ila jooga xildhibaano iyo siyaasiyiin iigu yimid afur iyo wadatashi. Wixii dhib ah ee ka yimaada  weerarka waxaa qaadaya Maxamad Farmaajo” Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in weerarkaasi uu yahay mid fuleynimo ah.

Ad
Previous articleDeg Deg Madaxweyne Xasan Sheekh oo Gurigiisa la Weeraray
Next articleDowlada Somaliya oo war kasoo saartay Dagaalka Muqdisho ka socda

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here