Home Wararka Maanta Dowladda Shiinaha oo Soomaaliya ka caawinaysa Tababarka Ciidamada Qalabka Sida

Dowladda Shiinaha oo Soomaaliya ka caawinaysa Tababarka Ciidamada Qalabka Sida

0
Safiirka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya FEI Shengchao ayaa kulan kula yeeshay magaalada Muqdisho Wasiirka Gaashaandhigga dowladda Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji.

Intii wadahadalladu socdeen, Wasiirka Gaashaandhigga ayaa Danjiraha uga warramay dib -u -dhiska ciidamada qaranka, oo lagu wado inay AMISOM kala wareegaan mas’uuliyadda amniga dalka, sannadka soo socda.

Shengchao wuxuu ammaanay dadaallada dowladda ee dib -u -habeynta ciidamada, isagoo u ballanqaaday wasiirka in Beijing ay kaalmo siin doonto ciiddanka qalabka sida, si ay mar kale Soomaaliya u hesho ciidan xoog badan.
Safiirka China ayaa sheegay in dowladdiisa ay ka go’an tahay inay Soomaaliya ka caawiso sidii ay mar kale cagaheeda isugu taagi lahayd iyadoo bixineysa kaalmo dhaqaale iyo mid milateri iyo weliba dhinacyada horumarinta iyo bani’aadamnimada.

Dowlada Mareykanka oo Sabab u Noqotay Xil ka badelka lagu Sameeyay Wasiirka Gaashaandhigga

Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, ayaa isku shaandheyn iyo is beddel ku sameeyay qaar kamid ah golihiisa Wasiiradda, waxa uuna xilka ka qaaday kana saaray meesha labo Wasiir,

Raisal Wasaare Xamze oo Magacaabay Wasiiro Cusub Kadib Isku Shaadheyn uu Sameeyay

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hamze Abdi Barre ayaa maanta magacaabay xubnahan cusub ee Wasiirrada ee Xukuumadda JFS ee kala ah: 1. Md. Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi –

Kooxda Xisbullah oo weerar khasaaro geesatay ka fulisay gudaha Suuriya

Dagaallamayaal katirsan ururka Shiicada ee Xisbullaah , ayaa lagu soo waramayaa in gudaha u galeen qeybo kamid ah dalka Suuriya, waxa ayna kooxdan weerar ku qaadeen goob ay joogeen ciidamo

Meydka Nin la weysanaa Mudo oo laga helay hotel ku yaalla Muqdisho

Nin muddo labo Maalin ah la weysanaa ayaa Meydkiisa laga helay qol uu ka deganaa Hotelka Mansoor oo ku yaalla Nawaaxiga Isgoyska Dabka ee magaalada Muqdisho. Marxuumka ayaa lagu sheegay

Madaxweynaha Turkiga oo Saddex Qodob kala hadlay dhigiisa Mareykanka Trump

Madaxweynayaasha dalalka Mareykanka iyo Turkiga ayaa yeeshay wadahal dhinaca telfoonka ah, waxa ayna labada masuul kawada hadleen arrimo dhowr ah oo ay ugu horreeyaan xoojinta xiriirka labada dal ka dhaxeeya
Ad
Previous articleRa”isul Wasaare Rooble oo Maanta la Kulmay wafdi ka socday Dalka Sweden
Next articleWararka Laga Helayo Kulan Xalay Dhexmaray Raisal Wasaare Rooble iyo Farmaajo