Home Wararka Somaliya Wararka Laga Helayo Kulan Xalay Dhexmaray Raisal Wasaare Rooble iyo Farmaajo

Wararka Laga Helayo Kulan Xalay Dhexmaray Raisal Wasaare Rooble iyo Farmaajo

0

Ilo ku dhow dhow Madaxtooyada Villa Somalia ayaa xaqiijinaya in xalay ay kulan wada qaateen Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble.

Kulankan ayaa ka dhashay dadaalo uu waday labadii cisho ee la soo dhaafay Madaxweynaha Koofur Galbeed C/casiis Lafta Gareen.

Kulankan ayaa ah kii u horreeyay ee Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble ee ay yeesheen kaddib wada hadaladii fashilmay ee bishii hore.

Ma cadda kulankan caawa in lagu soo afjarayo khilaafkii xargaha goostay ee sababay kala jabka NISA iyo shaqo ka eryintii Taliyihii hore NISA Fahad Yaasiin ee ka dhalatay kiiskii dilkii Ikraan, taasoo keentay in Madaxweyne Farmaajo ku hagoogto saaxibkiisa koowaad, si uu u badbaadiyo mustaqbalkiisa siyaasadeed.

Xogtii ugu dambeysay ayaa sheegeysa in Kulankii Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble uu soo dhamaaday, iyadoo kulanka ahaa mid hordhac oo sallaan iyo sheekeysi, waxaana lagu balamay in habeen dambe kulan kale la isugu yimaado, si loo dhammeystiro waxyaabaha haray ee labada dhinac u dhaxeeyay.

Ilo wareedyo ku dhow kulanka caawa ayaa ii sheegay in kulanka caawa intiisa badan ahaa mid la isku laab furay, kana muuqatay is faham iyo isu soo dhowaansho, ayna rajo ka qabaan in habeen dambe inta dhiman is afgarad buuxa laga gaaro.

Ad
Previous articleDowladda Shiinaha oo Soomaaliya ka caawinaysa Tababarka Ciidamada Qalabka Sida
Next articleHogaamiyaha Koox Burcad ah oo Dhalashadiisu tahay Somali Laguna Xakumay Xabsi saa’in ayaa dalbatay in Dalkiisa lagu soo caliyo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here