Home Wararka Maanta Ra”isul Wasaare Rooble oo Maanta la Kulmay wafdi ka socday Dalka Sweden

Ra”isul Wasaare Rooble oo Maanta la Kulmay wafdi ka socday Dalka Sweden

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Wafdi ka socday dalka Sweden oo uu hoggaaminayey Wakiilka Gaarka ah ee Hay’adda Caafimaadka Guud ee Dalka Sweden oo maalmahan boqasho ku joogay dalka.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa warbixin ku saabsan wadashaqeynta caafimaad ee labada dal iyo sidii kor loogu qaadi lahaa waxa uu ka dhageystay Wasiirka Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Marwo Fowsiyo Abiikar Nuur iyo Ergeyga Gaarka ah ee Hay’adda Caafimaadka Guud ee dalka Sweden.

Khubara ka socotay Hay’adda Caafimaadka Guud ee Dalka Sweden ayaa booqday goob loo asteeyay in loo dhagax dhigo Machadka Caafimadka Qaran ee Soomaaliya, iyagoo shirar kala duwan la qaatay khubarada Wasaaradda Caafiamadka Soomaaliyeed oo ay goobjoog ka ahaayeen Wasaaraddaha Caafimaadka Dowlad Goboleedyada.

Ad
Previous articleGuddiga Doorashada Galmudug oo Maanta Galkacyo kula Kulmay Odayaasha dhaqanka Galmudug (Sawiro)
Next articleDowladda Shiinaha oo Soomaaliya ka caawinaysa Tababarka Ciidamada Qalabka Sida

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here