Home Wararka Maanta Dowladda Mareykanka oo si toos ah usoo faro-gelisay amniga garoonka diyaaradaha Aadan...

Dowladda Mareykanka oo si toos ah usoo faro-gelisay amniga garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho

0

Dowladda Mareykanka ayaa si toos ah usoo faro-gelisay amniga garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho oo haatan ay gacanta ku hayaan ciidamada ammaanka Soomaaliya iyo kuwa howlgalka ATMIS ee Midowga Afrika.

Mareykanka ayaa wafdi culus oo qaabilsan amniga garoomada usoo diray magaalada Muqdisho, kaas oo maanta la kulmay mas’uuliyiinta maamulka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Wafdiga oo ka tirsan hay’adda TSA ayaa si gaar ah ula shiray saraakiisha amniga garoonka iyo hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed, waxayna ka wada-hadleen amniga guud ee garoonka Aadan Cadde.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii la isaga kaashan lahaa horumarinta amniga garoonka Muqdisho oo kamid ah ilaha dhaqaale ee ugu muhiimsan dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale wafdiga Mareykanka ayaa qiimeyn ku sameeyay howlaha sugida amniga garoonka iyo sida ay u shaqeeyaan hay’adaha amniga ee dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale mas’uuliyiinta ka socota hay’adda TSA ayaa dalka joogi doona muddo saddex maalmood ah, iyagoo kulamo la qaadan doono dhammaan qeybaha kala duwan ee ka howlgala garoonka Aadan Cadde, kulamadaan ayaa lagu qiimeynayaa heerka wanaagsan ee hey’adaha amniga Soomaaliya ay gaarsiiyeen sugidda amniga garoonka.

Si kastaba kulanka mas’uuliyiinta maamulka garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde, Hay’adaha Amniga Garoonka iyo Hay’adda Duulista Rayidka oo dhinac ah iyo Hay’adda TSA ay ku yeesheen xafiiska maamulka garoonka ayaa gogol xaar u noqon doona sidii lagu gaari lahaa in diyaaradaha ka duula garoonka caalamiga ah ee Aadan Cadde ee Muqdisho ay si toos ah uga degaan garoomada diyaaradaha dalka Mareykanka.

Garoonka Muqdisho ayaa u shaqeeyo si maalinle ah, waxaana kusoo xirnay duulimaadyo caalami ah, taas oo sare u qaaday heerka shaqo ee garoonkan oo marin muhiim u ah dadka ka safraya iyo kuwa kasoo daga magaalada Muqdisho.

Maxmada Garoowe oo Xukuntay Nin Garaacay Wiil yar oo Ajanabi Ah

Maxkamadda Darajada 1aad ee gobolka Nugaal ee maamulka Puntland, ayaa maanta xukun adag oo xabsi ah ku riday nin oday ah oo lagu eedeeyay in si sharcidarro ah suuq dhaxdiisa

Dagaal Dhexmara Itoobiya iyo Ereteriya oo laga Cabsi Qabo Inuu Qarxo

Waxaa laga cabsi qabaa in dagaal cusub uu ka dhex qarxo dowladaha Ereteriya iyo Itoobiya, kuwaasoo maalmihii u dambeeyay ciidamo ku daabulayay deegannada u dhow xadka ay wadaagaan. Madaxweyne ku

Warar laga helayo Dagaalo ka dhacay Deegaano Hoostaga Galmudug Sida Ceelhuur

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo Xalay ka dhacay deegaanka Biyo cadle oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud. Dagaalka ayaa ahaa mid

Xamse oo booqday ciidamada Dowladda iyo kuwa degaanka ee ku dhaawacmay dagaalka lagula jiro Al shabaab

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa xalay ku booqday isbitaalada Xooga dalka iyo isbitaalka Erdogan dhaawacyada Ciidanka Qaranka iyo kuwa deegaanka ee ay waxyeelladu ka soo gaartay dagaalka lagula

Xubno sare oo ka tirsan Al shabaab oo lagu dilay Duqeymo ka dhacday Gobolka Shabeellaha Dhexe

War saxaafadeed kasoo baxay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in iyagoo kaashanaya saaxiibada caalamka ay fuliyeen howlgal duqeyn ah oo si gaar ah loo qorsheeyay, kaas oo lagu
Ad
Previous articleWar Deg Deg ah: Alshabaab oo weerar Culus Ku Qaadeen Saldhigii Bariire iyo Taliyihii Xeradaas oo Geeriyooday
Next articleShirka Nato ma badbaadin doona Biden mise cadaadiska ayuu kusii kordhin doonaa