Laba iyo toban maalmood ka dib dooddii waxqabadka musharraxinta oo laga yaabo inay ahayd mid ka mid ah kuwii ugu waxyeellada badnaa taariikhda casriga ah ee Maraykanka, madaxweyne Biden aya aisku dayaya sidii uu u badbaadi lahaa siyaasad ahaan gudaha iyo caalamkaba.
Toddobaadkan shir madaxeedka Nato ee Washington DC ayaa laga yaabaa inuu noqdo waddo uu ugu yaraan si ku meel gar ah ugu nasan doono ama ay noqoto tii ugu danbeeysay ee uu madaxweynahu kaga tanasuli lahaa murashaxnimdiisa.
Dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay, Mr Biden wuxuu gaashaanka ku dhuftay kuwa isaga dhaleeceynayey, isagaa oo sheegay in u haysto ogolaashaha codbixiyaasha aasaasiga ah ee xsibiga Dimuqraadiga, wuxuuna ku tartarsiiyay kuwa ka soo horjeeda inay horay u socdaan oo aanay isku dayin inay kursiga ka qaadaan.
War kasoo baxay Hay'adda Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Ciidanka Hay'adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA, oo howlgal qorsheysan ka fuliyay duleedka degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir