Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in ciidamada amniga ay soo afjareen weerarkii dagaal-yahaano ka tirsan Al-Shabaab ay maanta kusoo qaadeen xarunta maamulka gobolka Banaadir
Maleeshiyaadka Shabaabka ahaa ee goobta yimid ayaa ahaa kuwa lugaynaya, iskuna ekaysiiyay ciidamada Qaranka si ay halkaas usoo gaaraan, sida lagu sheegay qoraalka kasoo baxay dowladda.
Dowladda ayaa xaqiijisay in weerarkii xarunta maamulka gobolka Banaadir ay ku dhinteen 5 ruux oo shacab ah, afar kalena ay ku dhaawacmeen.
“Qaybta labaad ee hawlgalka ciidamada oo ahaa in la soo afjaro maleeshiyaadkii Khawaarijta ahaa ayay isna ciidamadu soo gabagabeeyeen iyaga oo toogtay Kooxdii Khawaarijta ahayd oo ka koobnaa 6 dhagarqabe.”
“Falalkan waxashmimada ah ee ay geysanayaan Khawaarijtu waxay dowladda iyo dadka Soomaaliyeed u caddeyneysaa sida ay lagama maarmaan u tahay in Khawaarijta laga suuliyo gebi ahaanba geyiga Soomaaliyeed, iyadoo uu dalka ka socdo dagaalka looga xoreynayo kooxda Khawaarijta.”