Home Wararka Maanta Dowlada Soomaaliya oo War kasoo Saartay Dadka ay kasoo Celinayso Dalka Jarmalka

Dowlada Soomaaliya oo War kasoo Saartay Dadka ay kasoo Celinayso Dalka Jarmalka

0

Dowladda Soomaaliya ayaa faah-faahin ka bixisay Soomaali la sheegay in laga soo celinayo dalka Jarmalka, arirntan oo looga hadlay kulan dhex-maray madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxmauud iyo ra’iisul wasaaraha Jarmalka Olaf Scholz.

Wasiiru Dowlaha arrimaha dibada Soomaaliya Cali Cumar Cali Balcad ayaa sheegay in Soomaalida lasoo celinayo ay yihiin kuwa dambiyo kala duwan kagalay wadanka Germany sida dil iyo kufsi, kuwaasi oo maxkamad ay xukuntay.

Balse waxa uu beeniyey inay jiraan Soomaali dalkaas sharci ku joogta ama aan gelin wax dambi ah oo lagu soo celinayo dalkooda. 

Cali Balcad oo la weydiiyay sida ay dowladda Soomaaliya dalka ugu soo celineyso dad gaystay dambiyo khatar ah sida dil iyo kufsi iyo waxa uga qorsheysan marka ay yimaadaan, waxa uu sheegay in qofka haddii uu dhameystay xukunkii iyo ciqaabtii lagu riday aysan jirin sabab uu ciqaab akle u maro. 

Cali Balcad ayaa sheegay in dowladda ay baaritaan ku sameyn doonto in 20 kaasi ay yihiin Soomaali maadama wadamada jaarka la ah Soomaalida muwaadiniintooda qaar ay sheegtaan inay Soomaali yihiin markeey Yurub tagaan, oo sidaas isku dhiibaan, waxaa uu sidoo kale sheegay in ay xaqiijin doonaan haddii ay yihiin kuwa galay dambiyada lagu xukumay. 

Dhowaan, Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxmauud ayaa booqasho ku tegey dalka Jarmalka, halkaasi oo uu kula kulmay hogaamiya dalka Jarmalka Olaf Scholz.

Xasan Sheekh iyo Scholz ayaa ka wada hadley arrimo dhowr ah oo ay ka mid tahay sidii Soomaaliya dib loogu celin lahaa muwaadiniin Soomaali ah oo dalka Jarmalka ku sugan, balse arrimahasi ayaa baraha bulshada ka dhaliyey dood xooggan, ayada oo warar been abuur ah laga faafiyey kulanka.

Maxmada Garoowe oo Xukuntay Nin Garaacay Wiil yar oo Ajanabi Ah

Maxkamadda Darajada 1aad ee gobolka Nugaal ee maamulka Puntland, ayaa maanta xukun adag oo xabsi ah ku riday nin oday ah oo lagu eedeeyay in si sharcidarro ah suuq dhaxdiisa

Dagaal Dhexmara Itoobiya iyo Ereteriya oo laga Cabsi Qabo Inuu Qarxo

Waxaa laga cabsi qabaa in dagaal cusub uu ka dhex qarxo dowladaha Ereteriya iyo Itoobiya, kuwaasoo maalmihii u dambeeyay ciidamo ku daabulayay deegannada u dhow xadka ay wadaagaan. Madaxweyne ku

Warar laga helayo Dagaalo ka dhacay Deegaano Hoostaga Galmudug Sida Ceelhuur

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo Xalay ka dhacay deegaanka Biyo cadle oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud. Dagaalka ayaa ahaa mid

Xamse oo booqday ciidamada Dowladda iyo kuwa degaanka ee ku dhaawacmay dagaalka lagula jiro Al shabaab

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa xalay ku booqday isbitaalada Xooga dalka iyo isbitaalka Erdogan dhaawacyada Ciidanka Qaranka iyo kuwa deegaanka ee ay waxyeelladu ka soo gaartay dagaalka lagula

Xubno sare oo ka tirsan Al shabaab oo lagu dilay Duqeymo ka dhacday Gobolka Shabeellaha Dhexe

War saxaafadeed kasoo baxay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in iyagoo kaashanaya saaxiibada caalamka ay fuliyeen howlgal duqeyn ah oo si gaar ah loo qorsheeyay, kaas oo lagu
Ad
Previous articleAxmed Madoobe oo Ku Gulaystay Qorshe u dagsaday oo Ka dhan ah Dowlada Federalka
Next articleAlshabab oo Weerar Ku dilay Askar Ka Tirsanaa Ciidamada…..