Dowlada Soomaaliya oo sheegtay in Itoobiya ay horey uga wada hadleen in dekedaheeda Soomaaliya lagala hadlo Itoobiyaanka in ay isticmaalaan.
Madaxweynaha Soomaaliya oo ka hadlayay markale Kiiska Itoobiya & Soomaaliya ka dhaxeeya ayaa si furan markale qadiyadan uga hadlay, wuxuu sheegay in ay qorshaha ugu jirtay oo wada hadal socday ku aadan in 4-5 dekedood laga wada hadlo, laakiin ay Itoobiya jiho kale oo khaldan u wareegtay, ayna hadda diidan tahay Soomaaliya siyaasadda ay qaadatay Itoobiya, Banooniguna wuxuu sheegay in uu yaalo dhinaca Addis Ababa.
Xassan Sheekh ayaa sheegay in dhaqaalaha kororkiisa iyo Badda Cas aysan isku xirneyn ama Bad la’aanta, isagoo soo qaatay tusaalayaal la xariira arrimaha wadamada horumarka sameeyey ee dunida haddana aan laheyn xeebo ama dekedo ay Maraakiib kusoo xirtaan.
Madaxweyne Xassan Sheekh ayaa sheegay in uu arrintan horey ugala hadlay RW Itoobiya, una sheegay in ay Soomaaliya faa’iido ku qabto in Itoobiyaanka ay wax kala soo dagaan Xeebaha Soomaaliya, balse suaasha ay is dhaafsadeen ahayd sidee maslaxada labada dhinac looga dhabeyn karaa.
Soomaaliya ayaa sheegtay in 1991-dii, markii ay burbureen dawladdihii Siyaad Barre & Mingiste kala hogaaminayeen in ay dhankeda ka xirantay cadaawadii labada dal dhextaalay in ka badan 600 Sanno, balse dhanka Addis Ababa aysan marnaba albaabkaas xirin, Xassan ayaa sheegay in boggii hore ee cadaawada ay dhanka Soomaaliya xireen oo ay taariikh cusub diyaar u yihiin.
“Itoobiya, waxay leedahay deked baan rabnaa anagaana dooranayna meesha aan ka rabno, miyirku ha idiin soo laabto, markaas ayaan ka wada hadlaynaa dekedaha iyo baddahaba, laakiin nin leh dhulkaan leenahay 4-5 dekedood markaas waan ka wada hadli karnaa”