Home Wararka Maanta Xasan shiikh oo Deni Hortisa kusoo Dhaweeyey Go,aankii Shalay Baaralaanka Soomaaliya ku...

Xasan shiikh oo Deni Hortisa kusoo Dhaweeyey Go,aankii Shalay Baaralaanka Soomaaliya ku Gureen Dastuuka Soomaaliya

0

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka khudbad ka jeediyay munaasabadda caleemo saarka madaxweynaha dib loogu doortay Puntland ee Saciid Deni ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah.

Madaxweyne Xasan ayaa khudbadiisa uga hadlay arrinta dastuurka, oo ay isku hayaan madaxdii hore iyo madaxweynaha dib loo doortay, oo uu sheegay inay muhiim tahay in hadda lasii diyaariyo tallaabada xigta marka uu soo idlaado muddo xileedkiisa, taasina keenayso in la dhameystiro dastuurka.

“Wax walba oo wanaagsan waa in aad risk u qaadata oo fursad la’aan ma ahan. Siyaasadda meelaha ugu khatarta badan ayay faa’iidada ku jirta, ku dhiiranaanteeda wax badan oo muhiim ah ku jira,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Waxa uu intaas kusii daray “Dastuurka maalin walba waa wadnay maantana waa wadna. Soomaali waxaa rabaa in aan u sheego dastuurka waqti uma dhina oo dastuurka waa bislaaday waxba nooguma dhina.”

Madaxweynaha ayaa si cad u soo dhoweeyay wixii shalay ka dhacay baarlamaanka Soomaaliya, xilli ay buuq badan dhalisay, ayna ka horyimaadeen madaxdii hore ee dalka iyo siyaasiyiinta mucaaradka.

“Lama bilaabin dastuurkii dib u eegistiisa dhabta aheyd hadda ayay bilaabeen. Dadka rayiga leh ee aragtida leh ee masuuliyiin hore ah hal mid aan codsanaya waxaan waan diiday halkan aan dhigno tan ayaa ka fiican aan la imaano.”

Si kastaba, Madaxweyne Xasan oo ay ka go’an tahay arrinta wax ka beddelka dastuurka ayaa khudbadiisa caleemo saarka uga faa’iideystay in doodda dastuurka furan tahay ayna tahay in taasi lagu biyo cabo oo lala yimaado dood maangal ah oo dhaafsiisan waan diidnay, sida uu sheegay.

Ad
Previous articleDowlada Soomaaliya oo sheegtay in Itoobiya ay horey uga wada hadleen in dekedaheeda Soomaaliya lagala hadlo Itoobiyaanka
Next articleDowlada oo Shaacisay Magacyada iyo Qabiilada Alshabaabkii Sakaay lagu Laayay Galhareeri

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here