Home Wararka Somaliya Koonfur Galbeed Dowlada Soomaaliya oo Faahfaahin Ka Bixisay Duqayn lagu laayay Alshabaab

Dowlada Soomaaliya oo Faahfaahin Ka Bixisay Duqayn lagu laayay Alshabaab

0

Dowlada Soomaaliya ayaa Gooordhoow Baahisay Warsaxaafadeedkaan oo u Qornaa Sidaan:

Hawlgal qorshaysan oo Ciidanka Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka iyo saaxiibada caalamiga ah ay ka fuliyeen Beerta Shariifka ee deegaanka Nuungare oo 8-KM kaga beegan dhinaca waqooyi ee deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayay ku dileen in ka badan 40 ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab oo isugu jiray horjoogeyaal iyo maleeshiyaad isugu jira Soomaali iyo ajnabi waxaana sidoo kale lagu dhaawacay tiro intaas ka badan.

Habeenimadii Talaadada oo taariikhduna ahayd 2-da bisha ayaa maleeshiyaadka Khawaarijta ah ee hawlgalkan lagu beegsaday waxa ay isku abaabulayeen dhulbeereedkaan. Sirdoonka Qaranka oo helay xogtooda ayaa iyaga oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah ka hortagay dhagarta ay la damacsanaayeen shacabka Soomaaliyeed.

Ku dhowaad 10 Khawaarij ajaanib ah ayaa ku jira xubnaha lagu laayay hawlgalkan, waxaana sidoo kale jira xubno kale oo lagu raad-joogo kuwaas oo isku dayaya inay baxsadaan.

Dowladda Soomaaliya oo kaashanaysa shacabkeeda iyo saaxiibada caalamiga ah waxaa ka go’an in Khawaarijta lagu beegsado goob kasta oo ay gabaad ka dhigtaan, iyadoo haatana Ciidanka Qaranka iyo dadka Soomaaliyeed ay dhul badan ka xoreeyeen Khawaarijta.

 

Ad
Previous articleMadaxweyne Xasan oo shaaciyay arrin yaab leh oo loogu tagay deeganadii laga saaray Al-Shabaab
Next articleCatriona Laing oo James Swan Badalaysa oo loo soo Magacaabay xafiiska Q/Midoobay ee Somalia

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here