Home Wararka Maanta Catriona Laing oo James Swan Badalaysa oo loo soo Magacaabay xafiiska Q/Midoobay...

Catriona Laing oo James Swan Badalaysa oo loo soo Magacaabay xafiiska Q/Midoobay ee Somalia

0

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay António Guterres ayaa maanta ku dhawaaqay in Catriona Laing oo u dhalatay dalka Britain loo magacaabay Ergeyga Gaarka ah ee Soomaaliya iyo Madaxa Xafiiska Qaramada Midoobay ee (UNSOM).

Waxay xilka kala wareegi doonta James Swan oo u dhashay dalka Maraykanka kaasoo xilkan hayey sanadihii la soo dhaafay.

Bayaan kasoo baxay xafiiska Guterres ayaa lagu sheegay in Catriona Laing ku soo kordhin doonto doorkan xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya in ka badan 35 sano oo waayo-aragnimo xagga diblomaasiyadda, horumarka iyo xiriirka caalamiga ah, oo ay ku jirto inay doorar siyaasadeed kasoo qabatay dawladda UK qaybaha kala duwan oo heer qaran iyo heer caalami ah.

Magacaabisteeda ka hor waxay aheyd safiirka UK ee dalka Nigeria intii u dhexeysay Nofambar 2018 ilaa Abriil 2023.

Ad
Previous articleDowlada Soomaaliya oo Faahfaahin Ka Bixisay Duqayn lagu laayay Alshabaab
Next articleCali Guudlaawe oo kulan la qaatay Safiir Ku-xigeenka Dowladda Maraykanka u fadhiya Soomaaliya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here