Home Wararka Maanta Dowlada Soomaaliya Oo Baaq Deg Deg Ah U Dirtay Deeq Bixiyayaasha Caalamka.

Dowlada Soomaaliya Oo Baaq Deg Deg Ah U Dirtay Deeq Bixiyayaasha Caalamka.

0

Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsan Gurmadka Abaaraha ayaa deeq-bixiyaasha caalamka ku boorriyey in ay degdeg uga jawaabaan gurmadka abaaraha Soomaaliya ee ku sii socda heerka macluusha, isagoo hoosta ka xariiqay in Soomaaliya lagu gacan siiyo sidii ay khayraadkeeda uga faa’iidaysan lahayd, taasoo xal u ah soo noqnoqadka abaaraha.

Shirka oo looga hadlayey ka jawaabista abaaraha Geeska Afrika ayaa waxaa wadajir u soo qaban-qaabiyey dawaladda Talyaaniga, Maraykanka, Ingiriiska, Qatar iyo Qaramada Midoobay, iyadoo ay ka soo qayb-galeen in ka badan 30 dawladood, Ururka Islaamka, Jaamcadda Carabta, Midowga Afrika iyo hay’adaha Qaramada Midoobay iyo kuwo Gargaarka Caalamiga ah.

Shirka waxaa qayb ka ahaa Madaxa USAID Ms. Samantha Power, Wasiirka horumarinta Caalamiga ah ee dawladda Ingiriiska Rt. Hon. Vicky Ford, Wasiir ku xigeenka arrimaha Dibadda Talyaaniga, E. Ms. Marina Sereni, Ku xigeenka Wasiirka Arrimaha Dibadda Qatar, Abdiaziz Al-khulayfi.

Sidoo kale waxaa shirka ka soo qeyb galay Ku xigeenka xogyaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Arrimaha Gargaarka Bani’aadannimada iyo gurmadka degdegga ah, Martin Griffiths iyo Madaxda Hay’adaha Oxform, ICRC, WFP, IOM iyo IRC, halka uu xiriiriye ka ahaa Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Ingiriiska David Miliban.

Ugu danbayn Ergayga ayaa u mahad-celiyey dawladihii deeqda yaboohay, gaar ahaan dawladda Maraykanka oo ku deeqday $150 Malyan oo deeq hor leh ah.

Maxmada Garoowe oo Xukuntay Nin Garaacay Wiil yar oo Ajanabi Ah

Maxkamadda Darajada 1aad ee gobolka Nugaal ee maamulka Puntland, ayaa maanta xukun adag oo xabsi ah ku riday nin oday ah oo lagu eedeeyay in si sharcidarro ah suuq dhaxdiisa

Dagaal Dhexmara Itoobiya iyo Ereteriya oo laga Cabsi Qabo Inuu Qarxo

Waxaa laga cabsi qabaa in dagaal cusub uu ka dhex qarxo dowladaha Ereteriya iyo Itoobiya, kuwaasoo maalmihii u dambeeyay ciidamo ku daabulayay deegannada u dhow xadka ay wadaagaan. Madaxweyne ku

Warar laga helayo Dagaalo ka dhacay Deegaano Hoostaga Galmudug Sida Ceelhuur

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo Xalay ka dhacay deegaanka Biyo cadle oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud. Dagaalka ayaa ahaa mid

Xamse oo booqday ciidamada Dowladda iyo kuwa degaanka ee ku dhaawacmay dagaalka lagula jiro Al shabaab

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa xalay ku booqday isbitaalada Xooga dalka iyo isbitaalka Erdogan dhaawacyada Ciidanka Qaranka iyo kuwa deegaanka ee ay waxyeelladu ka soo gaartay dagaalka lagula

Xubno sare oo ka tirsan Al shabaab oo lagu dilay Duqeymo ka dhacday Gobolka Shabeellaha Dhexe

War saxaafadeed kasoo baxay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in iyagoo kaashanaya saaxiibada caalamka ay fuliyeen howlgal duqeyn ah oo si gaar ah loo qorsheeyay, kaas oo lagu
Ad
Previous articleDowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya oo Arrimo muhiim ah kawada hadlay (Sawirro)
Next articleSafiirkii Imaaraadka u joogay Soomaaliya oo la bedelay iyo mid cusub oo la magaacabay