Home Wararka Maanta Dowlada Qatar oo Mashaariic Cusub ka Fulinaysa Muqdisho

Dowlada Qatar oo Mashaariic Cusub ka Fulinaysa Muqdisho

0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) iyo Safiirka Dowladda Qatar u fadhiya Soomaaliya Dr. Cabdalla Bin Saalim Al-Naciimi oo Xalay kulan kuwada qaatay xarunta Safaarada ku lee dahay Muqdisho ayaa kawada hadlay arrima dhowr ah oo la xariira horumarrinta mashaariicda Caasimadda.

Kulankan ayaa ahmiyadiisa aheyd dargalinta heshiisyadii horey u dhacay ee la xariira fulinta barnaamijka mataaneenta Muqdisho iyo Doxa, dib u cusbooneysiinta mashaariicda ay Dowladda Qatar ugu talagashay dib udhiska Caasimadda JFS.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa uga mahad celiyay Boqortooyada Qatar kaalinta hagar la’aanta ah oo ay marwalba ka geesato garab istaaga Dowladnimada Soomaaliya iyo dib u dhiska dalkeena.

Ad
Previous articleXamsa Cabdi Barre oo Mashtuuc layaableh Maantay ka daahfuray Muqdisho(Sawiro)
Next articleDagaal Qaraar oo Maalintii Afaraad kasocda Itoobiya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here