Home Wararka Maanta Dagaal Qaraar oo Maalintii Afaraad kasocda Itoobiya

Dagaal Qaraar oo Maalintii Afaraad kasocda Itoobiya

0

Dagaal kharaar oo maalintii Afaraad ka socda Magaalada Bahir Dar ee dalka Itoobiya

Dagaalkaan ayaa u dhexeeya ciidanka Maamulka Ra’isulwasaare Abiy Axmed iyo jabhada Fano oo taageero ka helaysa dadka deegaanka ee dulman, waxana laga cabsi qabaa in wakhti dagaalka uu dheeraado.

Afhayeenka Jabhada Fano Mareshet Tsehayu oo ku sugan gobalka Gojjam oo dhaca woqoyiga dalka Ethiopia ayaa sheegay in dagaalka uu maalintii 4aad ka socdo magalada madaxda gobalka Amxarada ee Bahir Daar

Wuxuu yiri Afhayeenka u hadalay jamhada“Maalin waliba ciidanka rajiimku way dhimayaan tirada nala dagaalamaysa haddii ay yihiin 400 oo askari waa in la soo kordhiyaa waayo askartu waan dilaynaa ama nolosha ayaan ku qabanaynaa”.

Dhanka kale Guddiga Xuuqul Aadanaha ee Itoobiya ayaa war-bixin dheer oo faah-faahsan kana kooban 9 bog ku sheegay in 138 qof lagu dilay gobalka Gambella halka 113 kale la dhaawacay tan iyo bishii May 2023, hady’adu waxay sheegtay in khasaaraha dadka ay qayb ka yihiin weerar lagu qaaday goobaha ay dadku ku badan yihiin.

Ad
Previous articleDowlada Qatar oo Mashaariic Cusub ka Fulinaysa Muqdisho
Next articleAlshabaab oo Weerar Culus ku Qaaday Xero Uu ku Sugnaa Wasiiir….

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here