Home Wararka Maanta Dowlada oo xil ka qaadis iyo Shaqo joojin ku sameeneysa Masuuliyiin iyo...

Dowlada oo xil ka qaadis iyo Shaqo joojin ku sameeneysa Masuuliyiin iyo saraakiil ciidan

0

Warar lagu kalsoonaan karo oon helnay ayaa sheegaya in madaxda Dowlada federaalka Soomaaliya ay qorsheenayaan in xil ka qaadis iyo shaqo joojin lagu sameeyo masuuliyiin iyo saraakiil taageeray musharaxiinta mucaaradka .

Masuuliiyinta laga yaabo in xilka laga qaado ayaa waxaa ku jira Gudoomiyaal degmo , kuxigeeno iyo masuuliyiin kale oo katirsan dowlada oo si cad iyo si hoose u taageeray ciidamada Badbaado qaran ee ka hor yimid mudo kororsiga.

Waxaa sidoo kale iyana la filayaa in xil ka qaadis iyo shaqo ka joojin lagu sameeyo saraakiil katirsan ciidanka dowlada oo ku biiray ciidamada taabacasn musharaxiinta mucaaradka iyo kuwa kale oo sameeyay amar diido .

Qorshayaashan ay wado dowlada Soomaaliya ayaa laga cabsi qabaa in ay uga sii darto xaalada magaalada Muqdisho gaar ahaan abaabulka ay wadaan ciidamada Badbaado Qaran oo ka biyo diidan in ay dib ugu laabtaan furumaha dagaalka.

Saraakiisha iyo ciidamada Badbaado qaran ee furumaha dagaalka kasoo baxay ayaa ka cabsi qaba hadii ay dib ugu laabtaan ciidanka dowlada in ay la kulmaan shaqo ka fariisin xarig iyo in laga joojiyo xaquuqda ay heli jireen.

Golaha midowga musharaxiinta ayaana uga digay dowlada Soomaaliya in ay beegsi gaar ah ku sameeso ciidamada badbaado qaran ee kahor yimid mudo kororsiga dowlada dagaalna la galay ciidanka dowlada .

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleMidowga Yurub oo ku baaqay in Ciidamada Militariga laga saaro Muqdisho
Next articleMadaxweyne Qoor qoor oo La Kulmay Wakiilka Dowladda Qadar