Home Wararka Maanta Dowlada Maraykanka oo liiska madow ku dartay shirkad caan ah oo Israel...

Dowlada Maraykanka oo liiska madow ku dartay shirkad caan ah oo Israel laga leeyahay

0

Maraykanka ayaa Shirkad Israa’iil laga leeyahay oo samaysay barnaamijka basaasnimada ee Pegasus ku daray liiska madow ee shirkadaha ganacsiga laga xannibay.

Pegasus waa Barnaamij la sheegay inay adeegsadeen dowladdo si ay u beegsadaan telefoonnada dadka u ololeeya xuquuqda iyo weriyayaal.

Hadal ay soo saartay Shirkadda ayay ku sheegtay inay la yaabtay go’aanka Maraykanka, iyadoo intaa raacisay in tiknoolajiyadeeda ay gacan ka geysatay amniga Maraykanka oo ay ka hortagtay argagixisada iyo dembiyada abaabulan.

NSO Group ayaa ku doodday in barnaamijkeeda ay ka iibiso milateriga iyo laamaha ammaanka ee dowladaha uu wanaagsan yahay rikoorkooda xuquuqda aadanaha.

Ad
Previous articleCiidanka Ammaanka Gobolka Mudug Oo Gacanta Ku Dhigay Khamri Farabadan Iyo Dadkii Watay
Next articleQaramada Midoobay oo ka Hadashey Xaalada Deg Dega ee la Galiyay Dalka Itoobiya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here