Home Wararka Maanta Dowlada Kenya oo loogu deeqay Malaayiin Dollar si ay ula Dagaalaan...

Dowlada Kenya oo loogu deeqay Malaayiin Dollar si ay ula Dagaalaan Al Shabaab

0

Dowladda Kenya ayaa qaati ka taagan dagaalyahano hubeesan oo katirsan Al Shabaab, kuwaa oo weeraro gaadmo ah inta badan  ka geesta gobolada Xeebta iyo Waqooyi bari ee dalka Kenya .

Kenya ayaa marar badan waddamada reer galbeedka ka codsatay in ay ka taageeraan dagaalada ay kula jiraan Al Shabaab ,waxaana hadda Kenya taageero dhaqaale iyo mid milatari ka heshay qaar kamid ah waddamada saaxiibka dhaw la ah.

Dowladda Ingiriiska ayaana sheegtay in  dowladda Kenya ka taageerayso xoojinta dagaalka ay kula jiraan kooxaha argagasida , waxa ayna Ingiriiska Kenya u ballanqaaday in ay siineyso malaayiin dollar.

Lacagtan malaayiinta dollar ee Ingiriiska siinayo Kenya ayaa lagu hirgalinayaa xarun loogu talagalay inay ku hawl galaan Ciidamada Booliska la dagaalaka Argagixisada ee –ATPU loo soo gaabiyo ee Kenya, taasoo laga hirgaliyay gobbolka Xeebta ah ee Mombasa.

Al Shabaab ayaa inta badan Gobolka Xeebta ee Kenya ka geesata weeraro xoogan, waxaana dowladda Kenya dooneysaa in ciidamo badan geeso gobolkaasi si ay uga hortagaan weerarada Al Shabaab.

Ad
Previous articleDalkii ugu horreeyey oo Muujiyay inuu Taageerayo dadaalka uu Madaxweyne Xasan Sheekh Wado
Next articleGudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo kulan Xasaasi ah la qaatay Xildhibaano laga soo doortay KG iyo Jubbaland (Sawirro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here