Home Wararka Maanta Dalkii ugu horreeyey oo Muujiyay inuu Taageerayo dadaalka uu Madaxweyne Xasan...

Dalkii ugu horreeyey oo Muujiyay inuu Taageerayo dadaalka uu Madaxweyne Xasan Sheekh Wado

0

Dalkii ugu horreeyey ayaa si rasmi ah u sheegay inuu taageerayo isku dayga ay Soomaaliya ku dooneyso inay xubin uga noqoto daladda Bulshada Afrika, East African Community (EAC).

Diblomaasi Sare oo reer Burundi ah ayaa sheegay in waddankiisu oo guddoomiyennimada EAC kala wareegayo Kenya, uu taageeri doono musharraxnimada Soomaaliya. Burundi waxay ka mid tahay dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya.

Waxa uu sidoo kale shaaca ka qaaday in dalal kalena ay Soomaaliya taageeri doonaan, inkasta oo uusan shaacin magacyadooda.

Dalladdan, oo dib loo aas-aasay sanadkii 2000, waxaa ku mideysan toddoba dal oo kala ah Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ah ee Congo, Tanzania, Kenya, Burundi, Rwanda, South Sudan, iyo Uganda, kuwaas oo wadaaga suuq-ganacsiyeed ballaaran oo muhiim ah u ah dhaqaalaha Gobolka.

Ballan-qaadka Burundi ayaa imanaya ayada oo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu maanta oo Khamiis ah u amba-baxayo magaalada Arusha ee dalka Tanzania, si uu taageero ugu raadiyo in Soomaaliya ay ka mid noqoto dalladda Bulshada Bariga Afrika (EAC).

Dhaqaalaha wadajirka ah ee dalladda sanadkii waxaa lagu qiyaasaa in ka badan 300 oo Bilyan oo dollarka Maraykanka ah.

Wadarta tirada dadweynaha ku nool dalalka ku bahoobay ururkaan, waxaa lagu qiyaasaa 312 oo milyan, kuwaasi oo leh hal baasaboor oo mideeya.

Dowladda Soomaaliya ayaa codsiga ka mid noqoshada dalladdan waxay gudbisatay sanadkii 2016-kii, waxayna hadda xusul duub ugu jirtaa inay ka miro-dhaliso hadafkeeda ah inay ku biirto dalladda Bulshada Bariga Afrika (EAC).

Haddii Madaxweyne Xasan Sheekh uu ku guuleysto inuu Soomaaliya ku daro EAC waxay noqon doontaa guul taariikhi ah, ayada oo shacabka Soomaaliyeed ay visa la’aan u safri karaan dalalkan, sidoo kalena albaab weyn u furi doonta ganacsatada Soomaaliyeed

 

 

 

Ad
Previous articleGantaallo laga soo riday Turkiga oo ku dhacey dalka Ciraaq iyo Dhimasho iyo Dhaawac Ka Dhashay
Next articleDowlada Kenya oo loogu deeqay Malaayiin Dollar si ay ula Dagaalaan Al Shabaab

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here