Home Wararka Caalamka Dowlada Itoobiya oo ka Hadashay weeraro ka Dhacay Addis Ababa .

Dowlada Itoobiya oo ka Hadashay weeraro ka Dhacay Addis Ababa .

0

Xafiiska Isgaarsiinta Dowladda Itoobiya ayaa sheegay rabshadihi ka dhacay salaadda ciidda ee maanta iney ka dambeeyeen waxa ay ku sheegeen cadowga tariikhiga ah ee dalka iyo kooxa cadowgaasi la shaqeeya oo gudaha dalka ka abaabulan.

Bayaan uu xafiisku ka soo saaray dhacdadi maanta wuxuu ku sheegay xoogagga iisu baheystay iney ishortaagaan isbaddalka dalka ka socda ay diimaha dadka ugu soo gabbadaan.

Waxaa kale oo bayaanka lagu sheegay iney khasaaro nafeed oo ka dhashay ay jirin balse ay burburtay hanti dhowr ah.

Dowladduna waxaa ka go’an ayuu yiri xafiiska iney ka hortagto fal kasta oo loo soo maraya diimaha, dhaqanka iyo wada noolshaha bulshada oo lagu doonayo in amniga dalkalagu khalkhaliyo.

Xafiisku wuxuu mahad ballaadhan uu u jeediyey muslimiinta caasimadda Addis Ababa ee isugu timid si ay u tukadaan salaadda Ciidu Fitriga.

Waxayna bogaadiyeen muslimiinta nabadda jecel sida ay laamaha ammaanka ugala shaqeeyeen xakameynta rabshadaha si ay u sii fidin.

Ad
Previous articleAl-Shabaab oo Markii ugu Horaysay war Kasoo saartay weerarkii uu Cali Xarbi ku dilay xildhibaan Amess
Next articleAlshabaab oo Shaaciyay Tirada Ciidamada Saakay ay Ku Dileen Weerarkii Ceelbaraf

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here