Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Alshabaab oo Shaaciyay Tirada Ciidamada Saakay ay Ku Dileen Weerarkii Ceelbaraf

Alshabaab oo Shaaciyay Tirada Ciidamada Saakay ay Ku Dileen Weerarkii Ceelbaraf

0

Dagaalyahno katirsan Al Shabaab ayaa saakay weerar isugu jiray qaraxyo iyo mid toos ah waxa ay ku qaadeen saldhiga ciidamada ATMIS ee midowga Afrika ku lahaayeen deegaanka Ceel-Baraf ee hoostaga degmada Mahadaay ee gobolka Shabeelaha Dhaxe.

Weerarkan Al Shabaab ku qaadeen saldhiga ciidamada ATMIS ayaa ka dhashay khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac labada dhinac kala gaaray, waxaana adag in la helo xogo sax ah oo labada dhinac ka madax banaan oo xaqiijiya khasaaraha.

Al Shabaab war goordhaw soo saareen ayey ku sheegeen in dagaalyahanadooda si buuxda ula wareegeen saldhiga ciidamada ATMIS ku lahaayeen deegaanka Ceel-Baraf, waxa ayna Al Shabaab shaaciyeen in weerarkaasi ku dileen askar badan oo Burundi u dhalatay.

Warka kasoo baxay Al Shabaab ayey ku sheegeen in weerarka ku dileen 59-askari oo katirsanaa ciidamada ATMIS gaar ahaan kuwa kasoo jeeda Burundi, waxa ayna xuseen Al Shabaab in howlgalku wali socdo ayna suurto gal tahay in khasaaraha intaas kasii bato.

“Dagaal xoogan kadib, ciidamada Mujaahidiinta ayaa cagta mariyey saldhigga, xilligan hada ah si buuxda ayaan gacanta ugu haya saldhiggaas. xogaha hordhaca ah ee weerarka ayaa tilmaamaya in 59 askari lagu dilay weerarkaas, tobanaan kalena lagu dhaawacay” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al Shabaab.

Ad
Previous articleDowlada Itoobiya oo ka Hadashay weeraro ka Dhacay Addis Ababa .
Next articleGudoomiyaha Golaha Shacabka oo Madaxweyne Farmaajo ka diiday Dalab Xasaasi ah uu u gudbiyay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here