Home Wararka Maanta Dowlada imaaraadka Carabta oo Deg Deg uga Soo Jawaabtay Dalabkii Raysulwasaare Rooble(Sawiro)

Dowlada imaaraadka Carabta oo Deg Deg uga Soo Jawaabtay Dalabkii Raysulwasaare Rooble(Sawiro)

0

Dowlada Imaaraadka Carabta ayaa maanta magaalada Muqdisho kasoo dejisay diyaarad weyn oo siday shixnado raashin gar gaar ah oo loogu tala galay in lagu caawiyo dadka Soomaaliyeed ee abaaruhu saameeyeen.

Wasiirka gargaarka iyo musiibooyinka xukuumadda Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriye oo ay wehliyaan guddiga Qaran ee gurmadka abaaraha ayaa garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyay kulana wareegay gargaarka ka yimid dalka Imaaraadka Carabta.

Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo dhawwaan booqasho rasmi ah ku tagay dalka Imaaraadka ayaa ka codsaday madaxda dalkaasi iyo hay’adadha gargaarka in ay si deg deg ah ugu soo gurmadaan dadka abaarta saameesay.

Dowlada Imaaraadka ayaana gargaarkii labaad soo gaarsiisay Soomaaliya billooyin gudahood, waxa ayna arrintan timid kadib markii Ra’isul Wasaare Rooble  ka raali geliyay lacagtii dowlada Soomaaliya ku qabatay garoonka Aadan Cadde kulana wareegtay.

Ad
Previous articleWariye Caan ah oo Goordhawayd lagu Xiray Saldhiga Dhuusamareeb
Next articleOdayaasha Beesha Xawaadle oo Heshiis la Gaaray Madaxweyne Cali Guudlaawe(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here