Home Wararka Maanta Dowlada Giriiga oo Ka Jawaabtay eedayn uga timid Soomaaliya

Dowlada Giriiga oo Ka Jawaabtay eedayn uga timid Soomaaliya

0

Wasiirka arrimaha gudaha Giriiga Nicos Nouris ayaa sheegay inaaney sameynin wax xad gudub ah, marka ay timaado sida ay ula tacaalaan dadka muhaajiriinta ah.

Nicos Nouris ayaa intaa ku darey in dhacdooyinkii ugu dambeeyey aaney ku kicin ciidankooda ilaalada xuduudaha wax xad gudub ah.

Waxaa uu carabka ku dhuftey in dhammaan wadamada ay xaq u leeyihiin iney ilaashadaan xuduudahooda.

Hadalka wasiirka ayaa yimid xili Dowladda Soomaaliya ay dhowaan sheegtay in shan ka mid ah 12-kii tahriibayaasha ee dhawaan qabowga, ugu dhintay xadka Turkiga iyo Giriiga ay ahaayeen Soomaali.

Qoraal ay barteeda Twitter-ka soo dhigtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda, ayaa waxaa lagu sheegay in dowladda federaalka Soomaaliya ay si weyn uga xumaatay dhacdadaas naxdinta leh, waxayna dalbatay in la sameeyo baaritaan ku aadan dhimashada muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Saraakiisha xudduudaha dalka Giriiga ayaa lagu eedeeyey iney tahriibayaashaasi dib ugu soo celiyeen xudduudda, ayna ku amreen iney dharka culus dhigaan taasoo sababtay iney u dhintaan qabow ka dhashay baraf culus oo da’ayey.

Ad
Previous articleDowlada jabuuti oo Hanti Muda Badan Ka Maqnayd Dowlada Soomaaliya Dib ugu Soo Celisay
Next articleMadaxweyne Qoor Qoor oo Heshiisiiyay Saadaq joon, Kulane Jiis, iyo C/Raxmaan Cabdishakuur(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here