Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Doorasho adag oo Maantay ka Dhacaysa Mgaalada Baladweynr iyo 9 Musharax oo...

Doorasho adag oo Maantay ka Dhacaysa Mgaalada Baladweynr iyo 9 Musharax oo ku Tartamaysa

0

Waxaa maanta lagu wadaa in magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ka dhacdo doorashada labo kursi oo kamid ah kuraasta gollaha shacabka , doorashada kuraastaasi ayaana ah mid xamaasad gaar ah leh.

Labada kursi ee maanta lagu dooranayo ayaa kala ah HOP#063  oo horey ugu fadhiyay  wasiirkii hore ee Wasaaradda Waxbarashada Cabdullaahi Goodax Barre iyo kursiga kale HOP#011 uu isna ku fadhiyay Wasiirkii hore ee Amniga C/risaaq Maxamed Cumar.

Doorashada kursiga HOP#063 ayaa xamaasad gaar ah leh, waxaana doorashada kursigan oo la furay ku tartamaya ilaa 9-musharax ay ku jirto hal dumar, waxaa sidoo kale kursigan mar kale ku tartamaya Cabdullaahi Goodax Barre.

Kursigan doorashadiisa ayaana maanta si weyn isha loogu hayaa, waxaana adag in saadaalin badan laga bixiyo cida ku guuleesaneysa kursigan ay ku tartamayaan siyaasiyiin saameyn badan leh lana diiday in qof gaar ah loo xiro.

Doorashada kursiga kale ee HOP#011 ayaan laheyn xamaasad sidaas ah, waxaana kursigan ku tartamaya Wasiirkii hore ee amniga ee horey ugu fadhiyay C/risaaq Maxamed Cumar iyo wiil dhallinyaro ah oo lagu magacaabo Maxamed Cumar Barrow ( Tuure).

Madaxweynaha Hirshabelle Cali Guudlaawe ayaa ku adkeestay in doorashada kuraasta harsan ee ka dhaceysa magaalada Baledweyne ay noqoneyso kuwa furan oo lagu tartamo, waxa ayna taasi rejo beel ka dhigtay musharaxiin si gaar ah loo watay.

Ad
Previous articleMaxkamada Gobalka Nugaal oo amartay in La Xaraasho Xarunta Ganacsiga Daarul salaam Mall
Next articleMusiibo argagax le oo ka Taagan Magaalo uu Ruushk Go’doomiyay(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here