Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Doorashadii baladweyne oo lagu kala Baxay iyo Nabad iyo Nolol oo jab...

Doorashadii baladweyne oo lagu kala Baxay iyo Nabad iyo Nolol oo jab Xoogan soo gaaray

0

Gudiga doorashooyinka Hirshabeelle ayaa soo gebagabeeyay doorashada kursiga tirsigiisu ayahay Hop063 oo ahaa kursigii ugu loolanka adkaa kuraasta Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee la soo doorto, iyadoo ay Ku tartamayeen 9 musharaxiin.

Doorashada oo soo martay 3 wareeg oo aad u adag ayaa ugu danbeyn waxaa ku guuleeystay Cabdirasaaq Cabdullaahi Macalin oo helay 56 cod halka musharaxii la tartamayey Daahir Xaaji Axmed uu helay 44 cod waxaana halaabay 1 cod.

Kursigan waxaa horey ugu fadhiyey Wasiirkii hore ee waxbarashada DF C/llaahi Goodax Barre oo tartanka ku jiray balse ku haray Wareegii 1aad ee doorashada isagoo helay 10 cod oo kaliya.

Doorashooyinka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliyaa ayaa haadan maraya heer gebo gebo ah iyadoo ay harsan yihiin inay soo dhameystiraan xildhibaannadooda maamulada Hirshabeelle iyo Jubbaland.

Ad
Previous articleCiidamo Ka Tirsan ahlusuna oo isku Soo Dhiibay Galmudug hub Farabadana Watay(Sawiro)
Next articleXildhibaanad Si Wayn Uga Soo Horjeeday Fahad iyo Farmaajo oo Goordhow la Qaarijiyay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here